Featured, Arrimaha Siyaasada
Qarax Lagu Dilay Mas’uuliyiin Hirshabelle Ah
Ugu yaraan 5 Qof ayaa ku geeriyootay halka tiro kale ay ku dhaawacmeen kaddib markii saaka uu qarax miino ku qabsaday inta u dhaxeysa Balad iyo Jowhar.
Dadka dhintay ayaa waxaa ay kala yihiin Wasiirkii hore ee Ganacsiga Hirshabeelle Sabriye Cismaan, Cabdullahi Shitaawe oo ahaa Guddoomiye ku xigeenka Maaliyadda Gobolka Shabeellaha dhexe ee hadda iyo saddex Askari oo ilaalo u ahayd.
Qaraxa ayaa saaka ka dhacay degaanka Gololeey oo u dhaxeysa Balcad iyo Jowhar, waddadaas oo maalmihii la soo dhaafay ay ku badnaayeen weerarrada noocan ah.
Todobaadkii hore ayaa la xaqiijiyay in waddadaas saddex maalmood oo isku xigta ay ka dhaceen 8 Weerar oo miinooyinka dhulka lagu aaso ah.
Horay waxaa waddadaas ugu geeriyooday Xildhibaanno ka tirsan Dowlad Goboleedka Hirshabeelle oo lagu weeraray halkaas iyaga oo marayay.
Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Cali Guudlaawe ayaa dhawaan sheegay in maamulka Hirshabeelle uu ku biirayo dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda Dalka.
Recent Comments