Newsletter subscribe

Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

QM oo diblomaasi Suudaan u dhashay u soo magacowday ku xigeenka James Swan

Posted: August 29, 2019 at 8:12 am   /   by   /   comments (0)

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey  Antonio Guterres ayaa waxaa uu soo magacaabay ku xigeenka Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya.

Aadan Cabdul Mulla oo u dhashay Dalka Suudaan sidoo kalena heysta dhalashada Dalka Mareykanka ayaa loo magacaabay ku xigeenka James Swan oo laftiisa Mareykan ah.

Aadan waxaa uu kale oo uu qabanayaa isuduwaha arrimaha gargaarka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya.

Waxaa uu beddelayaa George Canaway oo u dhashay Dalka Canada kaas oo shaqadan u qaabilsanaa Qaramada Midoobey howlgalkeeda Soomaaliya.

Aadan waxaa uu ka soo shaqeeyay dalalka Ciraaq, Syria, Kuwait iyo meelo kale oo uu wakiil arrimaha gargaarka, sharciga iyo xuquuqda aadanaha ka ahaa isaga oo leh wax ka badan 30 sano oo Khibrad ah.

Shahaadooyinkiisa Jaamacadeed ee gaarsiisan ilaa PHD,waxaa ay u badanyihiin sharciga caalamiga ah iyo xiriirka dibadda.

Dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey ayaa waxaa uu khilaaf ka dhex billowday billowgii Sanadkan markii dowladda Soomaaliya ceyrisay Wakiilkii Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Nicholas Haysom.

shan bilood oo danjire la’aan ah kaddib Qaramada Midoobey ayaa 30kii May Soomaaliya u soo magacowday James Swan oo ah Diblomaasi Mareykanka ah.