Featured, Arrimaha Siyaasada
Qoyska Kenyan Lagu Dilay Boosaaso Oo Dalbaday Cadaalad
Qoyska Muwaaddin u dhashay Dalka Kenya ayaa doonaya in ay caddaalad helaan kaddib markii wiilkooda dhawaan lagu dilay Magaalada Boosaaso.
Muwaddinka Kenyaanka ah ee lagu dilay Magaalada Boosaaso ayaa lagu magacaabayay Cosmas Joseph Owuor,waxaana uu ka shaqeynayay Hotel ku yaalla Boosaaso.
Aabaha Muwaaddinka Kenyaanka ah oo isna lagu magacaabo Pius Ogweyo, ayaa sheegay in uu caddaalad dalbanayo.
Qoyska ayaa waxaa ay sheegeen in Ninka la dilay xaaskiisa ay ka heleen xogta la xiriirta dhimashadiisa.
Xaaska lafteeda ayaa waxaa u sheegay qof kale oo Kenyaan ah oo ay iskala shaqeynayeen Hotelka ku yaalla Magaalada Boosaaso.
Dilka Cosmas Joseph Owuor, ayaa waxaa geystay mid ka mid ah ilaalada Hotelka uu ka shaqeynayay waxaana qofka dilka geystay gacanta ku dhigay Ciidanka dowlad Goboleedka Puntland.
Qoyska Cosmas ayaa sheegay in xitaa aysan awoodin lacag ay Meydkiisa uga soo qaataan Magaalada Boosaaso iyaga oo dowladda Kenya ka dalbaday in ay ka caawiso sidii Meydkiisa ay u geysan lahaayeen degaankooda lagu magacaabo Siaya .
Xaaskiisa ayaa sheegtay in uu ka shaqeeyay Somaliland, Jubaland iyp Puntland islamarkaana ay u heyso afar Carruur ah.
Guddoomiyaha degaanka Siaya, Michael Ole ayaa qoyska kula taliyay in ay warqad codsi ah u qoraan Wasaaradda arrimaha dibadda Kenya si ay uga caawiso dib u soo celinta Meydka.
Recent Comments