Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada
Roobow Oo Xabsiga Guri Laga Dhigayo
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qorshe Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ku dooneyso in xabsiga ciidanka Nabad sugidda Soomaaliya looga saaro Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo mar hoggaamiyaha 2aad ee ugu sarreeya Al-shabaab soo noqday.
Xogo kala duwan ayaa sheegaya in dowladda Federaalka ah ay qorsheyneyso in Abuu Mansuur la geliyo xabsi la mid ah kan Xasan Daahir Aweys islamarkaana uu noqdo nin Xabsi Guri ku jira.
Ehellada Roobow ayaa arrintan ka walaacsan waxaana ay muujinayaan cabsi la xiriirta in ay beegsadaan Al-shabaab waxaana ay taas beddelkeeda dalbanayaan in guud ahaan la sii daayo.
Roobow ayaa xabsiga la dhigay Bishii December ee sanadkii hore markii uu isu sharraxay xilka madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya.
Tan iyo Xilligaas Abuu Mansuur laguma soo oogon wax dambi ah lamana soo taagin maxkamad gasha ama dhegeysata sababta uu ugu xiranyahay dowladda Soomaaliya.
Waxaa uu Bishii August ee sanadkii 2017kii soo gaaray Magaalada Muqdisho isaga oo xilligaas ku dhawaaqay in uu la dagaallamayo Al-shabaab.
Shir jaraa’id oo uu xilligaas ku qabtay Magaalada Muqdisho waxaa uu ku sheegay in Al-shabaab uu isaga baxay sanadkii 2013kii islamarkaana ay is fahmi waayeen.
Ciidan taabacsan Abuu Mansuur ayaa waxaa ay deggan yihiin Tuulada Abal oo 18km u jirta Magaalada Xuddur ee xarunta Gobolka Bakool, halkaas oo ay dhowr jeer kula dagaallameen Al-shabaab.
Recent Comments