Newsletter subscribe

Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Saldhigga Ciidanka Badda Itoobiya Oo La Shaaciyey Halka Uu Noqon Doono

Posted: November 25, 2019 at 6:40 am   /   by   /   comments (0)

Dowladda Itoobiya ayaa ku jirta diyaar garowgii ugu dambeeyay ee dhismaha Ciidamada Badda dalkaasi.

Qorshahan ayaa waxaa ka dhashay hadal heyn badan maaddaama Itoobiya aysan Bad lahayn,waxa ay qabanayaan Ciidamadaas iyo waliba halka saldhiggooda noqon karto.

Wargeyska The East African ee ka soo baxa Dalka Kenya ayaa wareysi la yeeshay danjiraha Itoobiya ee Nairobi Males Alem, kaas oo wareysigiisa ku sheegay heshiiska Dowladaha Kenya iyo Itoobiya ay ka gaareen adeegsiga Dekad laga dhisayo Lamu oo ay Itoobiya qeyb ku yeelaneyso.

Sanadkii 2018 markii ay dowladda Itoobiya shaacisay qorshaha dhismaha Ciidamada Badda ayaa Ra’isalwasaaraha Itoobiya yimid Muqdisho,waxaana heshiis ay wada galeen Soomaaliya ku jirtay adeegsiga afar ka mid ah dekadaha Soomaaliya.

Males Alem oo ka gaabsaday in uu si toos ah u sheego saldhigga Ciidanka Badda Itoobiya ayaa sheegay in adeegsiga dekadda Lamu terminal ka mid ah oo ay lahaaneyso dowladda Itoobiya uu qaban karo shaqooyin kala duwan.

Heshiiskii march 2018 Abiye iyo Uhuru ku kala saxiixdeen Adis ababa ayaa waxaa ku jirtay Dekad cusub laga dhiso Lamu taas oo Terminal ka mid ah ay si buuxda u yeelaneyso Itoobiya kana degsaneyso badeecadaha ay u baayanyihiin Dadka ku nool koofurta Dalka Itoobiya.

Khubarrada dhinaca amaanka ayaa sheegaya in Terminalka Itoobiya laga siiyay Dekadda Lamu oo lagu sheegay in ay tahay tan ugu weyn Afrika ay suuragal tahay in uu noqdo saldhigga Ciidanka Badda Itoobiya.

Kenya ayaa sheegtay in dekad leh 35 Terminal ay ka dhiseyso Lamu, mid ka mid ah Terminalladaasna lagu wareejinayo Itoobiya.

Waxaa ay sheegtay in Dekadda Lamu noqoneyso midda ugu weyn dekadaha Badweynta Hindiya, Badda cas iyo gacanka Baabal Mandab.