Featured, Arrimaha Siyaasada
Sarkaal Lagu Dilay Magaalada Muqdisho
Wararka ka imaanaya degmada Wartanabada ee Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in Rag hubeysan ay Goordhow Suuqa Siinaay ku dileen Sarkaal la sheegay in uu ka tirsanaa Ciidamada Minashiibiyada ee qaada Canshuuraha.
Dad Goobjoogayaal ah ayaa waxaa ay sheegeen in ragga hubeysan ay dhowr xabadood ku dhufteen Sarkaalka,waxaana wararka qaar ay sheegayaan in ilaalada sarkaalka in ay dhaawaceen mid ka mid ah raggii dilka geystay oo ay gacanta ku hayaan.
Wararka ayaa intaas ku daraya Sarkaal la dilay uu ahaa Sarkaalkii Canshuurta ka qaadi jiray Suuqa Siinay, balse Maanta ay toogteen Koox Bastoolado ku hubaysan oo durba goobta ka baxsaday.
Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya oo ku sugnaa Isgoyska Siinaay ayaa gaaray goobta uu dilka ka dhacay kuwaas oo haatan halkaasi ka wada howlgallo baaritaano ah, wallow aan la sheegin ilaa hada Cid loo soo qabtay sida saraakiil ka tirsan boolisku sheegeen.
Majirto ilaa hada cid sheegatay Masuuliyadda dilka Sarkaan ka tirsanaa Waaxda Canshuuraha Gobolka Banaadir,balse inta badan waxaa weeraradda lagu beegsado Saraakiisha Dowladda sheegta Al shabaab oo dagaal kula jirta Dowladda Soomaaliya.
Recent Comments