Featured, Arrimaha Siyaasada
Seychelles Oo Eedeysay Somaliland
Dowladda Seychelles ayaa Maamulka Somaliland ku eedeysay in ay ka baxday kuna xadgudubtay heshiiskii Burcad Badeedda ee Caalamiga ah ee ay horay u kala saxiixdeen waddamada ku jira dagaalka ka dhanka ah Burcad Badeedda Sooomaalida.
War ka soo baxay dowladda Seychelles ayaa lagu sheegay in siideynta 19 Burcad Badeed Soomaali ah oo ay siideysay Somaliland waliba xilli hore ay jebin iyo xadgudub ku tahay heshiiskii Burcad Badeedda ka dhanka ahaa.
Raggan oo ay horay u xukuntay Maxkamad ku taalla Dalka Seychelles ayaa waxaa loo wareejiyay Soomaaliya si halkaas ugu dhameystaan xukunkooda oo ahaa 30 sano,36 Sano iyo 40 Sano oo dambi burbadbadeednimo ah ay ku muteysteen.
“la yaab ayey nagu noqotay in aan ka war helno in la siidaayay Burcadbadeedda latashi la’aan,waxaa ay tani xadgudub ku tahay isfahamkii Somaliland iyo Seychelles,waana ka niyad jabsannahay” ayuu yiri Ian Madeleine oo ah agaasimaha arrimaha Badda ee Wasaaradda arrimaha dibadda Seychelles.
Dowladda Seychelles ayaa warqad u qortay Dalka Mauritius, dalalka kale ee ku yaalla Badweynta Hindiya iyo Waddamada ku jira kooxda Xiriirka Soomaaliya ee la dagaallanka Burcad Badeedda,waxaana ay codsatay in la cambaareeyo Somaliland.
Maamulka Somaliland ayaa Odayaal dhaqameed ku wareejiyay 19ka Qof ee Soomaalida ah kuwaas oo uu Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi sheegay in uu cafis u fidiyay markii uu codsi arrintaas ku saabsan ka helay ehelka Ragga xirnaa.
Recent Comments