Newsletter subscribe

Featured, Arrimaha Siyaasada

Shaqooyinkii IGAD oo u istaagay khilaaf u dhaxeeya dalalka xubnaha ka ah

Posted: October 28, 2019 at 7:56 am   /   by   /   comments (0)

Shaqooyinkii uu qaban jiray Urur Goboleedka IGAD ayaa hakad ku jira dhowr iyo tobankii maalmood ee la soo dhaafay kaddib khilaaf soo kala dhexgalay Madxad IGAD.

10kii Bishan October Ra’isalwasaaraha Itooboya ayaa wasiirkiisii hore ee arrimaha dibadda u magacaabay Xoghayaha fulinta Urur Goboleedka IGAD.

Warqadda waxaa ku qoran in shaqada Workneh Gebeyehu ay billaabaneyso 1da Bisha November magacaabistaasna uu latashi kala sameeyay waddamada xubnaha ka ah.

Hayeeshee dowladaha qaar sida Jabuuti, Kenya iyo Soomaaliya ayaa arrintan ka so horjeestay,waxaana ay sheegeen in hanaanka u degsan IGAD aanay marin magacaabistaas.

Xilka Xoghayaha IGAD marka la magacaabayo waxaa sharci ah in lagu magacaabo kulanka Madaxda Urur Goboleedka IGAD, kaas oo lagu wado in uu bisha November ka dhoco Magaalada Nairobi.

Xoghayaha Urur Goboleedka IGAD waxaa hadda ah Maxbuub Macalin oo Kenyaan ah, muddo xileedkiisa waa afar sano oo hal mar la kordhin karo, waxaana uu ku jiraa qeybta 2aad oo ay uga dhimantahay labo Sano iyo bar.

Tobankii sano ee la soo dhaafay Kenya iyo Itoobiya ayaa kala heystay Xoghayaha iyo Guddoomiyaha IGAD,waxaana Bisha November shirka ka dhacaya Nairobi lagu wadaa in Abiye oo xilka Guddoomiyaha ku wareejiyo Uhuru Kenyatta.

Kenya waxaa ay shaki weyn ka muujisay heshiis dhexmaray Waddamada Soomaaliya, Itoobiya, Eritrea iyo Jabuuti oo ay ku sheegtay in ay isbahaysi aanay iyada qeyb ka ahayn sameynayaan.

Urur Goboleedka IGAD oo la aas aasay sanadkii 1996dii,waxaana xubno ka ah dalalka kala ah; Kenya, Ethiopia, Uganda, Somalia, Djibouti, Eritrea, South Sudan  iyo Sudan.