Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada
Shil Ka Dhacay Wadada Isku Xirta Boosaaso Iyo Gaalkacyo
Ugu yaraan hal qof ayaa la xaqiijiyay in uu ku dhintay halka afar kale ay ku dhaawacmeen kaddib markii Gaari marayay waddada isku xirta Magaalooyinka Gaalkacyo iyo Boosaaso ee Gobollada Mudug iyo Bari uu god ku dhacay.
Taliska qeybta Booliska Gobolka Bari ayaa waxaa ay sheegeen in Gaarigaasi uu ku dhacay God weyn oo ka dhashay Roobkii dhawaan ka da’ay Puntland.
G/Sare Xuseen Cali Maxamuud, oo ah Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Bari ayaa sheegay in waddada ay guud ahaan xirantay islamarkaana uusan gaadiidku mari karin.
Sarkaalkaas ka tirsan Booliska Puntland ayaa intaas ku daray in guud ahaan isu socodka gaadiidka laga joojiyay waddada isku xirta labada magaalo ilaa laga helo dayactir lagu sameeyo.
Waxaa uu ka digay in gaadiidleyda ay ku madax adeygaan adeegsiga waddaas oo qatarteeda wata sida uu hadalka u dhigay.
Waddooyinka kala duwan ee Gobollada dalka ayaa waxaa inta badan ka dhaca shilalka gaadiidka iyada oo aanay helin dayactir ku filan sidoo kalena mararka qaar wadayaasha gaadiidka kala duwan ay xawaare dheereeya ku ka xeeyaan gaadiidka taas oo sababta khasaare naf iyo maalba leh.
Recent Comments