Newsletter subscribe

Featured, Arrimaha Siyaasada

Shir Looga Hadlayo Xaaladda Soomaaliya Oo Lagu Qabanayo Kuwait

Posted: October 15, 2019 at 6:45 am   /   by   /   comments (0)

Dowladda Kuwait ayaa waxaa ay marti gelineysaa sanadka soo socda shir Caalami ah oo lagu taageerayo waxbarashada Soomaaliya.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda arrimaha dibadda dalka Kuwait Khaled Al-Jarallah, ayaa shir guddoomiyay kulanka ay dowladda Kuwait isugu diyaarineyso marti gelinta sharciga caalamiga ah.

Khaled Al-Jarallah, ayaa la kulmay diblomaasiyiin u dhashay dalkiisa, saraakiil ka socotay wasaaradda waxbarasgada Dalka Kuwait iyo xubno kale.

Waxaa ay isla meeldhigeen shirka Caalamiga ah ee sanadka soo socda ka dhacaya Dalka Kuwait laguna taageerayo Waxbarashada Soomaaliya.

Shirkaas waxaa ka qeybgelaya hay’ado iyo waddamo dhinaca waxbarashada ka taageera Soomaaliya waxaana marti gelineysa Dowladda Kuwait .

Ujeedada Shirkaas ayey dowladda Kuwait ku sheegtay horumarinta heerka Waxbarashada Dalka Soomaaliya, iyada oo dowladda Kuwait qeyb ka tahay waddamada dhinaca waxbarashada ka taageera Soomaaliya.

Ma sheehin waqtiga ama taariikhda rasmiga ah ee uu furmayo shirka Caalamiha ah ee lagu taageerayo waxbarashada dalka Soomaaliya.