Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada
Shirka Dib u Heshiisiinta Galmudug Oo Maanta Furmaya
Maanta oo Khamiis ah, waxaa magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud ka furmaya shirka dib u heshiisiinta Galmudug.
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa lagu wadaa in shirkan uu furo, waxaana ka qeybgalaya beelaha Galmudug.
Ammaanka magaalada Dhuusamareeb ayaa ah mid aad loo adkeeyey, waxaana magaaladaasi ku sugan ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM.
Waxaa jira in shirkan aysan ka qeybgaleen waxgaradka Cadaado oo sheegay in tabasho weyn ay qabaan, inta laga xalliyana aanay halkaasi imaan doonin.
Dhanka kale, waxaana maanta lagu wadaa in magaalada Hobyo lagu soo gabagabeeyo shir halkaasi uga socday Beesha Habar-gidir.
Recent Comments