Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada
Shirka Madasha wadatashiga Somaliya oo maanta ka furmaya Muqdisho
Magaalada Muqdisho waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu ka furmo shir soconaya muddo 2 maalmood ah oo looga hadlayo xaaladda Soomaaliya.
Shirkan oo lagu magacaabo madasha heerka sare ee Soomaaliya ayaa waxaa uu noqonayaa mid ay ka qeybgelayaan dhamaan waddamada iyo hay’adaha daneeya arrimaha Soomaaliya.
Waxaa sidoo kale ka qeybgelaya Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka ah, Mas’uuliyiinta ugu sarreysa Dowladda Soomaaliya iyo ururrada Bulshada Rayidka ah.
Shirkan waxaa looga hadlayaa horumarka ay sameysay Soomaaliya tan iyo shirkii kan ka horreeyay ee sanadkii hore ka dhacay Magaalada Brussels ee dalka Belgium-ka.
Maamullada Puntland uyo Jubaland ayaa la sheegayaa in wakiillo heerkooda hooseeya uga qeybgeli doonaan iyada oo Jubaland la sheegay in laga casuumay Wasiirka Maaliyadda maaddaama dowladda Federaalka ah aqoonsaneyn Axmed Madoobe.
Dhinaca Puntland ayaa la sheegayaa in Madaxweynahooda oo shiran lagu casuumay uusan ka soo qeybgalayn.
Recent Comments