Newsletter subscribe

Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Somali Iyo Kenya Oo Iska Kaashanaya Arrimo Muhiim Ah

Posted: October 20, 2019 at 8:19 am   /   by   /   comments (0)

Iyada oo labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya ay u dhaxeyso xurguf dhinaca badda ah hadda waxaa Magaalada Washington ee dalka Mareykanka Warbaahinta shir jaraa’id u qabtay labada Wasiir Maaliyadeed ee labada dal.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya iyo siihayaha Wasiirka Maaliyadda Kenya Ukur Yatani, ayaa shir jaraa’id oo ay wadajir u qabteen waxaa ay uga wadahadleen isu socodka, Ganacsiga iyo Gargaarka.

Labada Wasiir ayaa shirkooda jaraa’id ka sheegay in labada Dowladood ee Kenya iyo Soomaaliya ay u hoggaansami doonaan go’aanka ka soo baxa Maxkamadda ICJ oo ay taallo dacwadda Badda ee u dhaxeysa labada dal.

Kenya waxaa wali deggan Hay’ado samafal oo ka shaqeeya gudaha Soomaaliya,waxaana khilaafka labada dal ee dhinaca badda uu madmadow geliyay shaqada hay’adahaas.

Dowladda Soomaaliya ayaa hay’adaha aan dowliga ahayn ee Caalamiga ah ku amartay in ay u wareegaan meelo kale kana guuraan Nairobi.

Qaarkood ayaa degay Magaalada Adis ababa ee dalka Itoobiya, kuwo kale waxaa ay u wareegeen Dalka Jabuuti halka Hay’adaha qaarna ay wali halkoodii degganyihiin.

Ukur Yatani iyo C/Raxmaan Ducaale Bayle ayaa sheegay in muranka Badda uusan saameyn doonin Ganacsiga, isu socodka iyo gargaarka.

Labada Wasiir waxaa ay ka qeybgalayeen shirka Sanad laha ah ee IMF iyo Bangiga Adduunka kaas oo ka socda dalka Mareykanka.