Newsletter subscribe

Featured, Arrimaha Siyaasada

Somaliland oo siideysay mas’uuliyiin ka xirnaa xisbiga Waddani

Posted: November 27, 2019 at 7:29 am   /   by   /   comments (0)

Booliska Maamulka SOmaliland ayaa sii daayay mas’uuliyiin ka xirnaa Xisbiga Somaliland oo todobaadkii hore lagu xiray Hargeysa kaddib banaanbaxyo taageerayaasha xisbiga ay qabteen.

Xoghayaha Xisbiga Waddani Khadar Xuseen Cabdi, Afhayeenka Xisbiga Barkhad Jaamac Batuun iyo Oday dhaqameed lagu magacaabo Cabdi Ibraahim Cabdulle ayaa xorriyaddooda dib u helay kaddib markii la siidaayay.

Siideynta mas’uuliyiinta ayaa ka dambeysay kaddib wadahallo ergo isxilqaamay.Culimo iyo Ganacsato ay la galeen Muuse Biixi Cabdi kaas oo ugu dambeyn ka aqbalay.

Mas’uuliyiinta la siidaayay qaarkood oo la hadlay warbaahinta ayaa u mahadceliyay cidkasta oo qeyb ka qaadatay in ay dib u helaan xorriyaddooda.

Xisbiga Waddani ayaa 17kii Bishan qabtay banaanbaxyo ouu ku diidanaa sida Guddiga doorashada Somaliland loo meel mariyay islamarkaana xisbiga oo ka gadoodsan uu baarlamaanka ansixiyay Guddigaas.