Newsletter subscribe

Featured, Arrimaha Siyaasada

Soomaaliya Oo Beenisay Eedeyntii Loo Jeediyey Qatar

Posted: July 24, 2019 at 7:33 am   /   by   /   comments (0)

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa beenisay in dowladda Qadar ay ku lug lahayd qaraxyo bishii May ka dhacay magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo ka jawaabayay warbixintii The Newyork Times ee Dowladda Qadar ku eedeysay in ay qaraxyo ka geysatay Soomaaliya ayaa beeniyay arrintaas.

Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in dowladda Qadar ay dowladda Soomaaliya la wadaagtay diidmadeeda ku aadday eedahaas islamarkaana ay dowladda Soomaaliya ku qanacsantahay beeninta Dowladda Qadar.

Dowladda Qadar ayaa dhinaceeda shalay beenisay Warbixintaas waxaana ay sheegtay in aysan jiirn sabab ay arrimaha dal kale ugu lugyeelato.

Waxa ay dowladda Qadar waxba kama jiraan ka soo qaadday warbixinta The Newyork Times ee la xiriirta in Qadar iyo Imaaraadka ay ku dagaallamayaan gudaha Soomaaliya.