Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada
Soomaaliya oo ka qeyb qaadatay dhoolatus uu Sucuudiga ka wado Badda Cas
Dowladda Sucuudiga ayaa dhoolatus Ciidan waxaa ay ka billowday Badda Cas waxaana ka qeyb aha dalal badan oo ku teedsan baddaas.
Waddamada ka qeyb qaatay waxaa ka mid ah Jordan, Egypt, Sudan, Djibouti, Yemen iyo Somalia.
Dhoolatuskan waxaa ka qeyb qaadanaya Waddamada ku yaalla Gobolka islamarkaana xulufada dhow la ah dalka Mareykanka.
Sucuudiga ayaa waxaa uu wajahayaan cadaadis badan oo uu kala kulmayo dowladda Iraan iyo Kooxaha Xuutiyiinta Yemen oo dagaal kula jira.
Dhawaan ayaa Ciidamada Xuutiyiintu duqeyn u geysteen xarumaha ugu weyn shidaalka Sucuudiga taas oo sababtay in kala bar shidaalka Adduun wax soo saarkiisa hoos u dhacay.
Xuutiyiinta Yemen oo sheegatay mas’uuliyadda ayaa ku dhawaaqay in ay joojiyeen dagaalka.
Dowladda Sucuudiga ayaa sheegtay in baaritaan socda kaddib ay jawaab bixin doonaan haddii Iraan ku caddaatana ay tallaabo ka qaadi doonaan.
Recent Comments