Newsletter subscribe

Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Sucuudiga oo diidday Danjiraha Soomaaliya u magacowday Riyad

Posted: September 28, 2019 at 8:22 am   /   by   /   comments (0)

Dowladda Sucuudiga ayaa iska diiday in ay warqadaha Safiirnimo ka guddoonto  C/xakiin Xasan Ibraahim Ashkir; oo loo magacaabay Safiirka dowladda Soomaaliya ee boqortooyada Sucuudiga, kaasoo wali aan shaqa gelin.

Inkastoo Sucuudigu aaney si rasmi u shaacin diidmadiisa, hadana waxaa laga dheehan karaa inuu u cuntami waayay shaqsiga Safaarada loo magacaabay Sida Sharciga Geneva ee Diblomaasiyadu dhigayo oo ah in Saddex bil Safiirkii aan laga gudoomin warqdaihiisa ay lamid tahay in la iska diiday.

Ashkir waxaa xilkaasi 29-kii May u magacaabay Madaxweyne Farmaajo, isagoo xiligaasi ahaa Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,waxaana magacaabistiisa ay qeyb ka eheyd isbedel dowladda la damacsaneyd iney ku sameyso hoggaanka Safaaradaha.

15-kii June, ayaa si rasmi ah loo gudbiyay warqadihiisa Safiirnimo, waxeyna mudada 90-ka cisho ku ekeyd 15-kii bishan September, waxaana ka soo wareegatay mudada uu sharciga siinayay mudo 13 maalin ah.

Xubno ka tirsan howlwadeenada Safaarada Soomaaliya ee wadankaasi Sucuudiga ayaa sheegay in diidmada Xukuumada Riyaadh ay salka ku heyso tuhun ay ka qabaan in Ambassador Ashkir laga urinayo xiriir qoto dheer oo kala dhexeeya dowladda Qatar, si gaar ah Taliyaha Nabad Sugida Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo cilaaqaad dhow la leh reer Doxa.

Xogaha la helay waxey sidoo kale sheegeysaa in xitaa aanu Sucuudigu waligiis oo danbe aqbali doonin Safiirnimada Ashkir, taasoo ka dhigan in Xukuumada Muqdisho ay ku qasban tahay   iney qof kale u xulato Safaarada Soomaaliya ee dalka Sucuudiga.

Wararku waxey kaloo sheegayaan in xitaa dowladda Sucuudiga ay iska diiday iney aqbasho xubno loo magacaabay Qunsuliyada Soomaaliya ee magaalada Jeddah, xubnihii hore Qunsuliyada uga shaqeynayay waxaa amray iney dalka deg deg ku soo galaan Ra’iisul Wasaare Khayre.

Balse waxaa jiray xubno cusub oo boosaskaasi loo magacaaba, kuwaasoo ay ku adkaatay iney helaan Fiisaha iyo aqbalaada ay ku howlgali lahaayeen, taasoo keentay iney Muqdisho iska joogaan oo ay u dhexeeyaan Wasaarada arrimaha dibadda iyo madaxtooyada,iyagoo soo dhega dhageeyay halka xaaladooda ay mareyso.

Dowladdaha Sucuudiga iyo Soomaaliya ayaan wali wanaagsaneyn xiriirkooda, wixii ka danbeeyay markii uu labada dal khilaafka ka dhex qarxay, iyadoo Xukuumada Riyaadh qaadeyso talaabooyin ay ku dooneyso iney ku cadaadiso Xukuumada Muqdisho.

Ashkir ayaa lagu beddelay Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle, kaas oo xilka iska Wasiirnimo iska casilay kaddib markii uu sheegay in ay kala aragti duwanaadeen madaxda hadda talada dalka heysa.