Newsletter subscribe

Featured, Arrimaha Siyaasada

Suuriya oo dalbatay in ciidamada Turkiga & Mareykanku ka baxaan Dhulkeeda

Posted: September 29, 2019 at 7:25 am   /   by   /   comments (0)

Xukuumadda Suuriya ayaa dalbatay in ciidamada Turkiga & Mareykanku kabaxaan ciidda Suuriya iyada oo ku hanjabtay in haddii aysan u hoggaansamin dalabkaas ay qaadeyso tallaabooyin lid ku ah joogitaanka ciidamadaas ee dhulka Suuriya.

Hadal uu Wasiirka Arrimaha dibadda & Qurbejoogta Suuriya Waliid Macalin ka jeediyey Kulanka QM ayuu ku sheegay in joogitaanka ciidanka Turkiga & Mareykanka ee Waqooyiga Suuriya  yahay mid sharci-darro ah.

Waliid Macalin waxa uu cambaareyn u jeediyey Qorshaha Washinton & Ankara ee kusaabsan in gudaha Waddanka Suuriya laga sameeyo waxa loo yaqaan deegaan xasiloon (Safe area), Waliid waxa uu sheegay in tallaabooyinkaas Ankara iyo Washinton yihiin kuwo khilaafsan Axdiga QM.

Kun Askari oo Mareykan ah ayaa inta la hubo joogta ciidda Suuriya kuwaas oo taageeraya Malliishiyada Kurdiyiinta ee la dagaalaya Daacish, sidaas oo kalana ciidamo Turki ah ayaa galay xadduudda Suuriya waxa ayna baacsanayaan Malliishiyo hubeysan iyo koox gooni u goosad Kurdiyiin ah oo sida Turkigu qabo gabbaad kasameystay gudaha Xudduuda Suuriya.