Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada
Tahriibayaal Soomaali Ah Oo Lagu Xiray Turkiga
Ciidamada Ilaalada Xeebaha Dalka Turkiga ayaa gacanta ku dhigay muhaajiriin farabadan oo ay Soomaali ka midyihiin.
Dadka la qab qabtay waxaa ay tiradoodu gaareysaa 236 qof,kuwaas oo u kala dhashay dalalka kala ah;
Syria, Somalia, Morroco, Bangladesh, Iraq, Afghanistan iyo Congo waxaa ay doonayeen in ay gaaraan Jaziiradda Gariigga ee Chios sida ay uga sii gudbaan Yurub.
Howlgalka ayaa ka dhacay Xeebaha Gobolka Galbeed ee Izmir, ee Dalka Turkiga,waxaana muhaajiriintaas lagu hayaa xabsiyo ay leeyihiin Ciidamada Turkiga.
Warbixin ay soo saartay dowladda Turkiga ayaa waxaa ay ku sheegtay in sanadkan 2019 oo kaliya ay isku dayeen 28,546 qof in ay galaan Qaaradda Yurub iyaga oo maraya xeebaha Dalka Turkiga.
Turkiga ayaa waxaa uu 2016kii Midowga Yurub kula heshiiyay xakameynta Muhaajiriinta iyaguna ay bixiyaan qarashka lagu heynayo, hayeeshee Erdogan ayaa dhawaan ka digay in uu fasaxayo 3.6 Milyan oo qaxooti Syrian ah si ay u galaan Yurub.
Recent Comments