Featured, Arrimaha Siyaasada
Taliyaha Booliska Jalalaqsi oo ka horyimid xilka qaadis ka dhalatay dagaalkii ciidanka Jabuuti
Taliyaha Ciidanka Booliska Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa ka horyimid xilka qaadis uu ku sameeyay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan.
Taliye Muuse Salaad ayaa sababta xilka looga qaaday la xiriirtaa dagaal dhawaan Ciidamada Jabuuti iyo isaga ku dhexmaray degmadaas.
Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo tagay Magaalada Jalalaqsi ayaa shaqo joojin ku sameeyay Taliyaha Booliska Jalalaqsi Muuse Salaad kaas oo isna diiday.
Dagaalka dhexmaray Ciidamada Jabuuti iyo Booliska degmadaas ayaa ka dhashay muran u dhaxeeyay Guddoomiye ku xigeenka amaanka degmada iyo Ciidamada Jabuuti.
Taliyaha ayaa Ciidanka Jabuuti ku eedeeyay in ay isku dayeen in maxaabiis xoog uga siidaayaan Saldhigga taas oo sababtay in dagaal u dhaxeeya labada dhinac uu halkaas ka dhoco.
Recent Comments