Newsletter subscribe

Featured, Arrimaha Siyaasada

Taliye Sheegay Inuu Is Casilayo Haddii…

Posted: September 15, 2019 at 8:46 am   /   by   /   comments (0)

Taliyaha Guutada 5aad ee Qeybta 27aad ee xoogga dalka ayaa ku dhawaaqay in uu is casilayo haddii Odayaasha Hiiraan ay ku adkeystaan diidmada in ciidamo dowladda ku tababaray Baladweyne la diido in la qarameeyo.

Faarax Cali Waasuge (Faarax Kooshin), ayaa sheegay in Ciidamadaas muddo sanad ah ku tababaranayeen xerada lamagalaay ee Magaalaad Baladweyne dowladdana u diyaarisay agabkooda.

Waxaa uu xusay in Taliyuhu in Ciidamadaas ay diyaar u yihiin in ay ka howlgalaan meel kasta oo ay dowladda Federaalka ah u dirsato isaga oo naqdiyay Odayaasha diiday in Ciidamadaas la qarameeyo sida uu hadalka u dhigay.

Odayaasha Magaalada Baladweyne ayaa diiday in Ciidamadaas loo daabulo Gobolka Galguduud iyaga oo sheegay in dowladda Federaalka ah aysan ciidankaas ka dhigin ciidan dowladeed ee ay wali yihiin malleeshiyo aan xitaa heysan hub iyo dharkii ciidanka ee ay ku howlgali lahaayeen.

Taliye ka tirsan Ciidamada dowladda Soomaaliya qeybtooda 21aad ayaa dhawaan Baladweyne u tagay sidii uu ciidankaas uga qaadi lahaa xerada tababar dheeraad ahna ugu qaadan lahaayeen duleedka Guraceel sida ay sheegtay dowladda hayeeshee Odayaasha dhaqanka ayaa ka hor yimid arrintaas.