Xulashada Tafatiraha, Featured, Warbiximaha Gaarka Ah
Taliyeyaasha Ciidamada Kenya iyo Itoobiya ee Soomaaliya oo isku dhacay
Shalay ayey ahayd markii diyaarad ay leedahay Itoobiya ay Ciidamada Kenya ee jooga Kismaayo u diideen in ay ka degto garoonka diyaaradaha ee magaaladaas.
Inkasta oo Kenya iyo Itoobiya ay yihiin dalal xulafo ah haddana waxaa hadda taagan khilaaf u dhaxeeya labada dal gaar ahaanna halka ay ka kala taaganyihiin siyaasadda Soomaaliya.
Dowladda Kenya ayaa si cad u sheegtay in ay la safantahay Axmed Madoobe oo ay ku sheegtay in uu yahay nin ay ka go’antahay dagaalka ka dhanka ah AL-shabaab.
laakiin Xukuumadaha Adis ababa iyo Muqdisho ayaa qaba in waqtiga Axmed Madoobe dhamaaday.
Diyaaradda Itoobiya ee Ciidamada Kenya ay shalay u diideen Garoonka Kismaayo ayaa la sheegay in ay ka soo duushay Garoonka diyaaradaha Magaalada Godeey ee Ismaamulka Soomaalida.
Waxaa ay ku degtay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Baydhaba,waxaana ay kaddib u duushay dhinaca Magaalada Kismaayo halkaas oo shalay gelinkii dambe loo diiday.
Mid ka mid ah shaqaalaha Garoonka diyaaradaha ee Kismaayo oo magaciisa ku gaabiyay Ismaaciil islamarkaana Taleefanka ugu warramay Reuters ayaa sheegay in diyaaradda aysan garaneyn in ay ahayd mid rayid iyo mid milatari laakiin ay Ciidamada Kenya u diideen in ay soo caga dhigato.
Arrintan ayaa daba socotay kaddib markii Taliyaha Ciidamada Itoobiya ee qeybta 6aad ee AMISOM uu dalbaday in Ciidamo Itoobiyaan ah la geeyo Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo labo maalmood ka hor dhacdada shalay.
Laakiin Taliyayaasha Ciidamada Kenya ee ku jira AMISOM islamarkaana jooga Kismaayo ayaa u sheegay Taliyaha Itoobiyaanka ah in uu marka hore farsax weydiisto iyaga kaddibna soo qorto warqad codsi ah.
Taliyaha qeybta 6aad ee AMISOmM ee Itoobiyaanka ah ayaa arrintaas ka dhega fureystay waxaana uu amar ku bixiyay in Ciidamada Itoobiya ee Milatariga ah tagaan Garoonka Magaalada Kismaayo taas oo shalay sababtay in diyaaraddii ugu horreysay loo diido in ay caga dhigato.
Recent Comments