Newsletter subscribe

Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Tirada Dadka Ka Barakacay Fatahaadda Wabiga Shabelle Oo Korortay

Posted: October 27, 2019 at 11:10 am   /   by   /   comments (0)

Hay’adda isku xirka arrimaha Bani’adamnimada u qaabilsan Qaramada Midoobey ee UNOCHA ayaa warbixin ka soo saartay Fatahaadaha Wabiga Shabelle ka sameeyay Gobolka Hiiraan.

Warbixinta Hay’adda waxaa lagu sheegay in 140,000 ee qof ay ku barakaceen Gobolka Hiiraan kuwaas oo 70,000 oo ka mid ah ay Carruuryihiin.

Waxaa kale oo ay Hay’addu sheegtay in 300,000 oo qof oo ay ku jiraan 150,000 oo carruur ah qarka u saaranyihiin in ay ka barakacaan Beledweyne iyo degaannada ku teedsan.

Sidoo kale UNOCHA waxaa ay sheegtay in Gobollada kale ee dalka roobka ka da’aya uu sababayo barakacayaal kale.

Hay’adaha Qaramada Midoobey ayaa waxaa ay horay u sheegeen in 6.3Milyan oo Soomaali ah ay u baahanyihiin gargaar sidoo kalena 2.1Milyan oo ka mid ah ay Cunto yari wajahayaan.

Hay’adda UNOCHA ayaa cpdsatay in deg deg loola gaaro dadka Gobolka Hiiraan Biyo,Cunto, Hooy,iyo adeegyo Caafimaad.