Featured, Arrimaha Siyaasada
Uganda: “Bixitaanka AMISOM waa in uusan ku xirnaan waqti ee ku xirnaado xaaladda dalka”

Dowladda Uganda ayaa mar kale ka digtay in waqtiga loo qabtay AMISOM in ay kaga baxdo Soomaaliya uu noqdo mid kama dambeys ah, iyada oo beddelkeeda soo jeedisay in laga fiirsado Ciidamada la dhimayo.
Taliye ku xigeenka Ciidanka Difaaca Uganda Gen Mbasu Mbadi, oo Muqdisho kula kulmay Taliyayaasha Ciidamada Uganda ee ku jira AMISOM ayaa sheegay in Uganda ay howl muuqata ka qabatay Soomaaliya.
Gen Mbasu Mbadi , ayaa ku faanay in markii ay imanayeen Soomaaliya ay dowladda Soomaaliya ku ekeyd xarumo kooban islamarkaana hadda dowladda Soomaaliya maamusho magaalooyin waaweyn taas oo ay horseed ka yihiin Ciidamada Uganda.
Waxaa uu Beesha Caalamka uga digay in waqtiga kama dambeysta ah ee Ciidamada AMISOM ka baxayaan Soomaaliya uu noqdo mid go’an, isaga oo taas beddelkeeda soo jeediyay in bixitaanka iyo dhimista Ciidamada AMISOM ku saleysnaato xaaladda amniga Soomaaliya.
“Nabadda Soomaaliya dhiiggeena iyo dhididkeenna ayaa ku baxay, Ganacsiga waa uu kala socdaa hadda, dowladda Federaalka ah waa ay shaqeyneysaa, si ka duwan sanadkii 2007dii, waxaa ay xilligaas ku shaqeyneysay Kenya” ayuu yiri Gen Mbasu Mbadi .
Taliye ku xigeenka Ciidanka Dalka Uganda ayaa sidoo kale soo jeediyay in la dhiso Ciidamada dowladda Soomaaliya lana qalabeeyo si ay amaanka dalka ugala wareegaan Ciidamada ka socda Midowga Afrika ee AMISOM.
Recent Comments