Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada
Uganda: Ciidanka Loo Tababaro Somalia Waxay Ku Biiraan Al-shabaab
Dowladda Uganda ayaa ka digtay in Ciidamada AMISOM laga saaro Soomaaliya iyada oo sheegtay in guulaha AMISOM ay fashil ku dhaman karaan.
Wasiiru dowlaha Wasaaradda arrimaha dibadda Dalka Uganda, Henry Okello Oryem, ayaa sheegay in Qraamada Midoobey iyo Beesha Caalamka ay doonayaan dhimista Ciidamada iyaga oo ka fiirinaya qarashka ka baxa.
Waxaa uu ka digay in howlihii ay qabatay AMISOM noqon karaan kuwo fashilma haddii aan wax laga beddelin qorshaha Ciidanka AMISOM looga saarayo Soomaaliya.
Waxaa uu Wasiirku sheegay in qaar ka mid ah Ciidamada dowladda Soomaaliya loo tababaro ay ku biiraan AL-shabaab isaga oo is weydiiyay “ma Al-shabaab ayaan amaanka ku wareejinaa”?.
“Ma cabaneyno, laakiin waxaan ka murugsannahay Tayada Ciidamada Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya” ayuu yiri Wasiir Henry Okello Oryem.
Wargeyska The Independent ee ka soo baxa Dalka Uganda ayaa sheegay in kulankii Bishii la soo dhaafay Madaxweynaha Uganda Yuweri Museveni iyo Madaxweynihii hore ee Koofur Afrika Thabo Mbeki ayaa waxaa looga hadlay xaaladda Soomaaliya.
Museveni ayaa kadigay dhimista Ciidamada AMISOM ee jooga Soomaaliya isaga oo sidoo kale ku taliyay in Ciidanka AMISOM aan la bixinin ilaa ay Ciidamada Soomaaliya gaaraan heer ay amniga dalka la wareegi karaan.
Recent Comments