Featured, Arrimaha Siyaasada
Uganda oo Midowga Yurub uga digtay dhimista Ciidanka AMISOM
Dowladda Uganda ayaa Midowga Yurub uga digtay qorshaha dhimista Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya iyada oo aan xaqiiqo rasmi ah laga heyn xaaladda Soomaaliya.
Hadalka Dowladda Uganda ka soo baxay ayaa yimid kaddib markii Dalka Uganda ay booqatay ku xigeenka Howlgalka Midowga Yurub ee Uganda Anna Merrifield iyo wafdi la socday.
Mrs Anna ayaa ballanqaadday in Midowga Yurub sii wadayo taageerada Howlgalka AMISOM ee Soomaaliya sida tababarka Ciidamada Uganda iyo taageerada Maaliyadeed ee uu Ururka ku bixiyo Howlgalka AMISOM.
Josef Musanyufu oo ah Taliye ku xigeenka Ciidanka difaaca Uganda oo la kulmay Wafdiga isaga oo ka wakiil ah taliyaha guud ee Ciidanka Uganda ayaa Anna u sheegay in dhimista Ciidanka AMISOM ee Soomaaliya ay qatarteeda leedahay.
Waxaa uu sheegay in AMISOM iyo Midowga Yurub oo iskaashanaya ay gaareen guulo wax ku ool ah, haddii ciidanka AMISOM la dhimo qorshe la’aanna guulihii horay loo gaaray ay fashil ku dhamaan doonaan.
Anna ayaa ballanqaadday in Midowga Yurub uu sii wadayo taageerada AMISOM kana shaqeynayaan sidii uu guul ugu dhamaan lahaa howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya.
Recent Comments