Featured, Arrimaha Siyaasada
Ururka Al-shabaab Oo Toogatay 5 Ruux
Al-shabaab ayaa deegaanka Xagar ee gobolka Jubbada Hoose waxya ku toogteen Shan ruux oo ay sheegeen iney la shaqeynayeen DFS, Maraykanka iyo Kenya.
Fagaare ku yaalla deegaankaasi ayeey isugu soo bixiyeen boqolaal dadweyne ah, waxaana ay dadkan ku xireen tiirar ay goobta ka mudeen kadibna waa ay toogteen.
Sida warbaahinta lagu shaaciyey magacyada dadkan ayaa kala ah:
- Cismaan Cabdulle C/laahi
- C/kariin Muumin Axmed
- Xasan Barre Isaaq
- Cumar Xasan Axmed
- Axmed C/laahi Warsame
Al-shabaab ayaa sheegay in dhammaan dadkani yihiin kuwo la kala shaqeynayey sirdoonka DFS, ciidanka Kenya ee AMISOM, ciidanka xoogga dalka iyo CIA-da Maraykanka.
Maandeeq
Muqdisho, Somalia
Recent Comments