Featured, Arrimaha Siyaasada
Waa imisa Askarta AMISOM looga dilay Somaliya tan iyo 2007dii?
Bare sare Paul Williams oo wax ka dhiga Jaamacad ku taalla Mareykanka ayaa warbixin ka diyaariyay khasaaraha Ciidamada AMISOM ka soo gaaray Soomaaliya tan iyo markii uu howlgalka billowday.
Warbixinta Paul Williams, waxaa uu ku sheegay in meelo badan oo uu wax ka qiimeeyay, ilo ilaa shan gaaraya oo uu xigasho ka sameeyay iyo dukumiintiyada lacagaha magdhowga ah ee AMISOM oo uu qaarkood arkay ay muujiyeen dhimashada ilaa 1,800 Askari,hayeeshee waxaa uu warbixintiisa ku sheegay inxitada intaas aad uga badantahay.
Waxaa uu soo xigtay darbiga Midowga Afrika ee Xaruntiisa Adis Ababa oo ay ku dhegganyihiin liiska magacyada iyo darajada Ciidanka AMISOM ee ku dhintay dagaalka ka dhanka ah AL-shabaab.
Waxaa kale oo uu soo xiganayaa warbixinnada la xiriira lacagaha magdhowga taas oo ay dheertahay in dowladaha qaar sida Kenya aysan muujin lacagaha magdhowga ah ee la siiyay.
Warbixintan oo uu ku soo bandhigay Mac-hadka caalamiga ah ee Nabadda oo uu fadhigiisu yahay magaalada New York ee dalka Mareykanka ayuu dowladaha AMISOM ku jira ku eedeeyay in aysan khasaaraha askartooda soo gaarta la wadaagin Warbaahinta,kaliyana la qaato warbixinnada ay AL-shabaab ka sheegtaan taas oo uu sheegay in ay tahay siyaasad xun.
Paul Williams, ayaa warbixintiisa ku muujiyay in intii u dhaxeeysay 2007 ilaa December 2018 Askarta AMISOM u diiwaangashan ee dhintay ay gaarayaan 1,884 Askari, iyada oo wixii ka dambeeya xilligaasna meelaha qaar aysan ahayn kuwo dhameystiran.
August 2009 ilaa September 2012,waaxaa geeriyootay 439 Askari,waxaana lagu ogaaday dukumiintigii magtooda lagu bixiyay oo muujinaya in askarigiiba laga bixiyay $50,000 oo doollarka Mareykanka ah.
Isla qeybtaas waxaa dhaawac ahaan ku jira 575 Askari kuwaas oo midkiiba la siiyay $10,000 oo doollarka Mareykanka ah.
Warbixin uu soo saaray Midowga Afrika islamarkaana u dhaxeysa 2014 ilaa 2018 ayaa waxaa ay muujineysaa magdhowga la siiyay Ciidamada AMISOM ee xilligaas dhintay ama dhaawacmay,waxaana lacagta ay gaareysaa $74.6Milyan oo doollarka Mareykanka ah, 79% lacagtaas waxaa ay ku baxday magdhowga kuwa dhintay halka 21% ku baxday kuwa dhaawacmay.
Askarta xilligaas waxyeellada soo gaartay ayey warbixinta ku tilmaantay 1,179 Askari oo Magdhow dhimasho ah la siiyay iyo 1,567 Askari oo magdhow dhaawac ah la siiyay.
Xarunta Midowga Afrika ee Adis ababa darbigeeda waxaa suran Askarta Midowga Afrika uga dhimatay howlgallada Burundi, Jamhuuriyadda Afrikada dhexe, Sudan iyoSomalia.
Bishii August ee sanadkan 2019 oo kali ah waxaa darbigaas lagu daray liiska 1108 Askari kuwaas oo ay waxyeello ka soo gaartay dalalka sare ku xusan.
Sidoo kale Howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ayaa waxaa uu xaruntiisa xalane ku leeyahay darbi lagu maamuuso Askarta AMISOM iyo kuwa Soomaaliya.
Darbigaas kuma xusna magacyada iyo darajada Ciidamada AMISOM iyo kuwa Soomaaliya ee ku dhintay gudaha dalka hayeeshee waxaa kaliya ku qoran; ” Xusuusta Saraakiisha Ragga iyo Dumarka leh ee Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM iyo Askarta Xoogga dalka Soomaaliya ee noloshooda ku waayay ay nabad iyo xasilooni ugu soo celiyaan Soomaaliya”.
Isha: Prof Williams & IPI
Recent Comments