Newsletter subscribe

Featured, Arrimaha Siyaasada

Waare Oo La Kulmay Saraakiil Ciidan

Posted: September 8, 2019 at 7:48 am   /   by   /   comments (0)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka shirshabeele  Maxamed Cabdi Waare ayaa Xafiiskiisa Baladweyn y Kulan Xasaasi ah kula qaatey Saraakiisha Qaybta 21aad iyo Kuwa Danab ee xalay gaaray Magalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi waare iyo taliska qeybta 21aad ayaa kulankooda diirada ku saaray sidii ay isaga kaashan lahaayeen Sgida dhinaca Amniga iyo howlgallada ka dhan ah ah AlShabaab oo ku sugan deegaano ka tirsan Gobolada dhexe  Soomaaliya .

Taliyaha Cusub ee Qaybta 21aad General Cabdicasiis Cabdullaahi Qooje ayaa madaxweynaha Warbixin ka siiyay u jeedka safarka iyo Howlaha Ciidamadu ka wadaan Gobolada Dhexe Gaar ahaan Deegaanada kala qaybiya Maamulada Galmudug iyo Shirshabeelle.

Taliye Qooje oo kulanka faah faahin ka bixinayay ayaa waxaa uu sheegay inay ka wada hadleen sidii Taliska qeybta 21aad uu Maamulka Hir-Shabelele gacan uga siin lahaa xoreynta deegaannada u dhaxeysa Gobolada Hiiraan & Galgaduud oo ay ku sugan yihiin Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Generaal qooje ayaa Xusay in deegaano badan badan oo ka tirsan Galmudug iyo Hirshabeele ay Maamulaan Al shabaab balse ay diyaar garoow ugu jiraan sidii ay uga saari lahaayeen,isla markaana deegaanada Galmudug uu ka socdo diyaar garowga dagaalka ka dhan ah Al shabaab sida uu hadalka u dhigay.

Taliyaha ayaa intaasi ku in Saacadaha soo socda ay lam kulmi doonaan Saraakiisha Ciidamada xoogga dalka ee Gobolka Hiiraan si ay uga wadatashadaan sida ugu fudud ee loo qaadi karo howlgal ka dhan ah Al Shabaab.

General Cabdicasiis Cabdullaahi Qooje oo dhawaan uu dalacsiiday Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa sheegay in uu dib u habay ku samayn doono Taliska qaybta 21 aad ee Ciidanka  Xoogga Dalka ee ka howl gala Bartamaha Soomaaliya.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi  Waare ayaa ku booriyay Saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka howl galada ay ka wadaan Gobolada Hiiraan & Galgaduud, isaga oo Xusay in ay muhiim tahay wada Shaqeeyaan Qaybaha 27aad iyo 21aad  ee Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.