Newsletter subscribe

Featured, Arrimaha Siyaasada

Wararkii Ugu Dambeeyey Weerarka Kismaayo

Posted: July 13, 2019 at 5:23 am   /   by   /   comments (0)

Al-shababa ayaa weerar ku bilowday qarax gaari oo ismiidaamin ah waxa ay ku qaadeen maqribkii shalay, Hotelka Cascaseye ee magaalada Kismaayo.

Rag hubeysan ayaa gudaha u galay qaraxa kadib Hoteelkaasi, kuwaasi oo bilaabay iney toogtaan dadkii gudaha Hotelka ku jiray.

Ciidamada Jubbaland iyo raggii ka tirsanaa Al-shabaab ee Hotelka galay ayaa Illaa iyo saakay ku dhex dagaallamaya halkaasi, waxaana jira khasaare badan.

Sidey inoo xaqiijiyeen dadkii ka badbaaday weerarkaasi, waxay Al-shabaab dileen 30 qof, iyadoo dhaawucuna Lixdan ruux uu ka badan yahay.

Dhaawacyada qaar ayaa saakay lagu wadaa in loo soo qaado magaalada Muqdisho, si loo dabiibo.

Dadka halkaasi ku dhintey waxaa ka mid ahayd Hodon Naaleeye oo aad looga yaqaanay baraha Bulshada iyo seygeeda, waxaa kale oo dhintey Wariye Gacma-dheere oo Kismaayo ka howlgalayey iyo dad kale oo caan ah.

Lasoco wixii soo kordha