Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada
Wasiir Janan Oo Maxkamadda Gobolka Banaadir Kasoo Muuqday
Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta waxaa ka soo muuqday Wasiirka amniga dowlad Goboleedka Jubaland iyo sarkaal la sheegay in uu ahaa Taliyaha Ciidan ka howlgeli jiray Doolow.
Cabdirashiid Xasan CabdiNuur (Janan ) iyo Buulle Aadan Maxamed, ayaa la horgeeyay Maxkamadda gobolka Banaadir waxaana loo heystaa eedo la xiriira dad rayid ah oo lagu laayay Degmada Doolow.
45 Cisho kaddib maanta ayey dowladdu geysay Maxkamadda Gobolka Banaadir iyada oo booliska Soomaaliya ay horay u sheegeen in Janan ku eedeysanyahay dad rayid ah oo xabsi ku yaalla Doolow inta lagala baxay la laayey.
Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Wasiirka Amniga Jubbaland ayaa Booliiska Soomaaliya dabayaaqadii Agosto waxaa uu kuxiray garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho Xili safar u ahaa Dalka Itoobiya.
Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa ayaa soosaartay 30/04/2019 xaashi lagu buriyey Amarka soo qabashada Janan iyada oo sheegtay in gal-dacwadeedkaasna la xiray.
Recent Comments