Newsletter subscribe

Featured, Arrimaha Siyaasada

Wasiir Oomaar Oo Sababeeyay Baaqashada Safarkiisii Kismaayo

Posted: July 31, 2019 at 7:30 am   /   by   /   comments (0)

Wasiirka Gaadiidka iyo duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) ayaa dhawaan ka baaqday safar uu ku tegi lahaa Magalada Kismaayo si uu ugu dhawaaqo musharaxnimadiisa Madaxtinimadda Jubbaland.

Wasiirka oo ka hadlay sababta uu uga baaqday Safarkaas ayaa sheegay in uu doonayay in uu ka baaqsado dhiig ku daato Magaaladda Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

“Safarkii aan kismaayo ku aadi lahaa anigaa ka baaqday anigoo ka fogaanaya in si un iska hormaad u dhaco. Qof isku dayay inuu isoo qaado ma jiro.

In kastoo aan xaq u leeyahay in la i ilaasho haddana kismaayo markaan tagayo ciidda ayaa i ilaalin (ilaah ka sokow” ayuu yiri wasiir Oomaar.

Wasiirka ayaa sheegay in uu awood u lahaa in uu tago Kismaayo balse uu uga baaqday Masuuliyad Saaran sida uu hadalka u dhigay.

“Hooyadii canuggeda lala qabsaday ee la yiri aan idiin kala goyno waxey tiri ha loo daayo tii aanan dhalin iyadoo ka baqaysa in canugeeda la kala gooyo. Taas un baan isku mid nahay ee awood aan Jubbaland ku imaado ma weyn. Waan aqaan masuuliyadda i saran”.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa ugu Baaqay Madaxda Jubbaland in aysan dagaal ka hurin deegaanadda Jubbaland oo lagu wado in dhawaan doorasho ka dhacdo.

”Dadkii talada xumaa baa weli ummadda waalaya. Dagaal aadan idinka hurin Jubbaland Kama dhici doono. Caqliga ha shaqeeyo” ayuu yiri wasiir Oomaar.

Hadalka ka soo yeeray Wasiirka Gaadiidka iyo duulista Hawada Xukumadda Soomaaliya ayaa imaanaya iyada oo dhawaan Maamulka Jubbaland uu sheegay in ay Xariiska u jareen Dowladda Soomaaliya isla markaana Madaxda Dowladda Soomaaliya aysan Imaa Karin Magaaladda Kismaayo.