Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada
Waxgaradka Galmudug:-“Ahlusunna iyo Dowladda midna sharci u malaha soo xulista Xildhibaanada”
Odayaasha Galmudug oo Kulan ku yeeshay Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in marnaba aysan aqbali doonin in Xildhibaanada laga badiyo 89 mudane, iyagoona ku goodidiyay cidii arintaasi Ku dhaqaaqda tilaabo cad ah ay ka qaadi doonaan.
Waxgaradka ku shiray Dhuusamareeb ayaa sidoo kale sheegay haddii Ahlusunna la siiyo 35 Xildhibaan in aysan ka qeyb gali doonin dhismaha maamulka Galmudug.
Qoraalka ay soo saareen Odayaasha dhaqanka ayaa lagu sheegay in Dowlada Soomaaliya iyo Ahlusunna midna aysan awood u lahayn soo Xulista Xildhibaanada Maamulka Galmudug ee Bartamaha Soomaaliya.
Warka ka soo Baxay odayaasha dhaqanka ayaa daba Socda heshiis qorsoodi ahaa oo ay wada galeen Dowlada Soomaaliya iyo Ahlusunna, kaas oo maalin ka hor Ahlusunna soo bandhigtay,heshiiskaas oo ay ku xusneed in Xildhibaanada Maamulka Galmudug,35 ka mid ay soo xulaan hoggaanka Ahlusunna.
Recent Comments