Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada
Xildhibaannada Puntland Oo Doortay Guddoomiye Cusub
Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland ayaa lagu soo gaba gabeeyay Magaalada Garowe ee xarunta dowlad Goboleedka Puntland.
Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ka mid ah Xildhibaannada Baarlamaanka Maamulka Puntland ayaa loo doortay Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Maamulka Garowe.
C/Rashiid waxaa uu helay 46 cod oo ka mid ah 63 Xildhibaan oo ka qeybqaatay codbixinta Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland.
Musharraxa ku xigay ee wareegga 2aad u gudbay waxaa uu ahaa Cabdi jamaal Cismaan Maxamed oo isna helay 17-cod.
Doorashada guddoomiyaha golaha wakiilada Puntland, waxaa ku tartamay saddex musharrax oo kal ah; guddoomiyaha la doortay Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, Cali Axmed Dhahar iyo Cabdijamaal Cismaan Maxamed.
Guddoomiye Cabdirashiid Yuusuf waxaa uu siyaasadda Puntland ku soo biiray sannadkii 2014, xilligaasi oo uu agaasimaha waaxda Warfaafinta ka noqday madaxtooyada Puntland, isagoo xilkaasi hayay 5-tii sano ee xukuumadii Dr Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas).
Sidoo kale, Baarlamanka Puntland ayuu ku soo biiray sannadkan 2019, waxaana laga soo doortay degmada Badhan ee gobolka Sanaag. Guddoomiyaha cusub ayaa lagu tilmaamaa shakshi saamayn weyn ku leh siyaasadda Puntland ee ku wajahan arrimaha gobolka Sanaag.
Recent Comments