Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada
Xildhibaanno Federaalka Ah Oo Ku Xayiran Kismaayo
Ku dhawaad toban Xildhibaan oo ka mid ah labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku xanniban Magaalada Kismaayo.
Xildhibaannadan ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay u diidday in diyaarado ka soo raacaan Magaalada Kismaayo si ay u yimaadaan Magaalada Muqdisho.
Xildhibaan Maxamed Xasan Idiris oo ka mid ah Golaha shacabka Soomaaliya ayaa sheegay in markii uu Tikidka goostay sharikadda diyaaradaha u sheegtay in aysan qaadeyn.
Sharikadaha diyaaradaha ayaa sheegay in amar lagu siiyay in ay kaliya soo qaadaan dadka rayidka ah islamarkaana soo qaadi karin xildhibaan ama siyaasi.
Dowladda Federaalka ah iyo Maamulka Jubaland ayaa waxaa u dhaxeeya khilaaf ka dhashay doorashadii Jubaland ee dhacday 22kii Bishii August ee sanadkan/
Dowladda Soomaaliya ayaa iska diidday natiijada doorashada uu ku soo baxay Axmed Madoobe, waxaana doorashadaas sidoo kale iska diiday Beesha Caalamka.
Jubaland ayaa dowladda dhexe ku eedeysay in ay go’doomisay shacabka Jubaland islamarkaana siyaasiyiinta wax saameyn ah ku yeelan xayiraadda diyaaradaha.
Recent Comments