Newsletter subscribe

Featured, Arrimaha Siyaasada

Xildhibaanno Ka Socda Uganda Ah Oo Yimidi Muqdisho

Posted: October 27, 2019 at 10:57 am   /   by   /   comments (0)

Xubno ka mid ah Baarlamaanka dalka Uganda ayaa waxaa ay soo gaareen Magaalada Muqdisho waxaana ay qiimeyn ku sameynayaan Ciidamadooda ku jira howlgalka AMISOM.

Booqashada Xildhibaanada oo lagu sheegay u kuurgelidda xaaladda Ciidamada Uganda ee ku jira AMISOM ayaa waxaa ay qaadaneysaa muddo todobaad ah.

Ku xigeenka wakiilka Midowga Afrika ee AMISOM Simon Molungo ayaa waxaa uu XIldhibaannada uga warbixiyay xaaladda ay ku suganyihiin Ciidamada Uganda ee ku jira howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.

Xildhibaannada ka socda Dalka Uganda ayaa waxaa ay  todobaadka ay joogaan Muqdisho booqan doonaan furumaha hore ee ay ku suganyihiin Ciidamadooda.

Waxaa ay la kulmi doonaan taliyayaasha Ciidamada, hoggaamiyayaasha bulshada Soomaalida ah ee ku nool goobaha ay Ciidamada AMISOM degganyihiin iyo saraakiisha Gobollada.

Wafddiga ayaa waxaa kale oo ay la kulmeen Taliyaha Ciidanka AMISOM ee Soomaaliya Tigabu Yilma Wondimhuneg.

Charles Engola Okello,oo ah Wasiiru dowlaha Wasaaradda difaaca Dalka Uganda ayaa hoggaaminaya wafdiga XIldhibaannada ah ee ka socda Baarlamaanka Dalka Uganda kuna sugan Magaalada Muqdisho.

Inta aanay dib ugu laaban dalkooda Xildhibaannada ayaa waxaa ay la kulmi doonaan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/Raxmaan.