Newsletter subscribe

Featured, Arrimaha Siyaasada

Xisbiga Wadani Oo Ka Baxay Heshiiskii Uu La Saxiixday Xisbiyada Kale Ee Somaliland

Posted: August 18, 2019 at 8:42 am   /   by   /   comments (0)

Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa sheegay in uu ka Baxay Guud ahaanba Heshiiskii ay dhawaan kala Saxiixdeen Sadexda Xisbi ee maamulka Somaliland oo lagu Soo Afjaray Khilaafkii Doorashooyinka oo in mudaa ka dhex taagnaa.

Hogaamiyaha Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Sababta ay uga baxeen tahay ka dib markii Xisbiga Talada haya ee Kulmiye jabiyey Qaar ka mid ah Qodobadii Heshiiskii ay wada gaadheen si uu hadalka u dhigay.

Hogaamiyaha Waddani ayaa intaas ku daray in aysan fuli doonin qodobadii ay dhawaan kala saxiisdeen Xisbiyada Kulmiye, UCID iyo Waddani oo looga heshiiyay arimaha Doorashooyinka iyo inta ay noqonayaan Xubnaga Dudigga Doorashooyinka Somaliland.

Warkaan ka soo yeeray Hogaanka Xisbiga Wadani ayaa imaanay iyada oo ay shalay laaleen Golaha wakiiladda Somaliland heshiis ay horay u galeen Xisbiyadda Somaliland oo dhigaayay in Gudiga doorashooyinku ay noqdaan 9 Xubnood waxa ayna Golaha Wakiiladu sheegeen in ay ka dhigeen 7 Xubnood.