Newsletter subscribe

Featured, Arrimaha Siyaasada

Xisbiyada Soomaalida iyo Cafarta oo ku biiray xisbiga haya talada Itoobiya

Posted: November 17, 2019 at 11:20 am   /   by   /   comments (0)

Xisbiyada maamula Gobollada Soomaalida iyo Cafarta Dalka Itoobiya ayaa ku biiray Xisbiga Talada dalka Itoobiya haya ee EPRDF.

Codeyn Xisbiga uu ku qabtay Adis ababa ayaa waxaa u codeeyay 30 xubnood oo ka id ah 36da XUbnood ee Golaha fulinta Xisbiga EPRDF.

Lix xubnood ayaa diiday isku biirista Xisbiga talada haya iyo axsaabta ka jirta dowlad Goboleedyada Itoobiya,waxaana xisbiga hadda ka mid noqday axsaab horay isbaheysi ula ahayd oo ka kala socda sagaalka Gobol ee dalka Itoobiya.

Ismaamulka Gobolka Tigreega ayaa arrintan aad u diidanaa walina ma kala cadda in lagu qanciyay iyo in ay go’aanno cusub ka soo saari doonaan.

Xisbiga EPRDF ee uu hoggaamiya dowladda Federaalka Itoobiya ayaa isu diyaarinaya in dalka Itoobiya uu ka qabto doorasho sanadka 2020ka sida uu horay u ballanqaaday Ra’isalwasaaraha Itoobiya Abiye Axmed.