Featured, Arrimaha Siyaasada
Xukun Lagu Riday Askari Fududeeyay Dilka Madaxii DP World Ee Dekadda Boosaaso
Maxkamad ay leeyihiin Ciidanka dowlad Goboleedka Puntland ayaa waxaa ay saaka xukun ku ridday Askari ka tirsanaa Ciidanka maamulkaas.
Askariga ayaa lagu magacaabaa Cabdi Cali Xirsi,waxaana lagu eedeeyay in uu fududeeyay weerarkii 4tii February sanadkan lagu dilay magaalada Boosaaso.
Nin hubeysan oo ka tirsanaa Al-shabaab ayaa afartii February waxaa uu Dekadda Magaalada Boosaaso ku dilay Paul Anthony Farmosa,oo ahaa Maareeyihii sharikadda P&0 oo hoostagta Sharikadda DPWorld taas oo laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta.
Maxkamadda oo dhegeysatay kiiska Askarigaas ayaa ugu dambeyn ku xukuntay dil toogasho ah,waxaa sidoo kale Maxkamadda ay sheegtay in uu xukunka racfaan ka qaadan karo.
Puntland ayaa xilligaas sheegtay in ay gacanta ku dhigtay Ninkii dilka Paul Anthony Farmosa, geystay, kaas oo la qabtay isaga oo dhaawac ah hayeeshee markii dambe u geeriyooday dhaawicii soo gaaray.
Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dilka Paul Anthony Farmosa, oo u dhashay Dalka Malta,kaas oo dalkaas lagu aasay.
Recent Comments