Featured, Arrimaha Siyaasada
Xukun Lagu Riday Shaqsi Ka Tirsanaa Al-shabaab
Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidanka Soomaaliya ayaa xabsi ciidan ku xukuntay Maxamed Cabdullahi Maxamed oo lagu eedeeyay in uu ka mid ahaa Al-shabaab.
Maxamed ayaa ayey Makxamadda sheegtay in uu Al-shabaab ku biiray Bashiir August ee sanadkii 2018,waxaana gacanta lagu dhigay Bishii February ee sanadkan 2019ka.
Ilaa sedax jeer ayuu sheegay in uu magaalada u kala gudbiyay hub uu kasoo geliyay gobalka Shabeelada Hoose, waxa uu ugu kala dhiibayay qeyba kamid ah Xaafadaha Towfiiq, Carafaad iyo Suuqa-Xoolaha oo u aheyd markii sedaxaad ay suura gashay in ay qabtaan Ciidamada Amniga Eedeysanaha isagoo si xirfadeysan u qarinayay Hubka lagu soo qabtay oo uu kuwaday Boorsooyinka Xarragada.
Laba Bistoolad, Sedax Qasnad iyo 23 Xabadood ayaa lagu soo qabtay Maxamed Cabdullaahi Maxamed Muuse (Xuseen Dheer), sida ay sheegtay Maxkamadda Ciidanka qalabka sida.
Guddoomiyaha Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidanka Qalabka sida Xasan Cali Nuur SHuute ayaa sheegay in maxkamadda ay Maxamed Cabdullahi ku xukuntay shan iyo toban sano oo xabsi ah.
Recent Comments