Featured, Arrimaha Siyaasada
Xukun Lagu Riday Wariye C/maalik Coldoon
Maxkamad ku taalla Magaalada Hargeysa ayaa wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon ku xukuntay xabsi dhan Sadex Sano iyo lix Bilood
Wariye Coldoon ayaa Saaka waxaa lasoo taagay Maxkamad ku taalla Magaalada Hargeysa ee Caasimada Maamulka Somaliland.
xeer ilaalinta dacwada ku soo oogtay Ayaa Wariyaha ku Soo oogay Qodobo Dhawr Ah iyo Markhatiyaal la Dhegaystay Dhawr mark halka ehelkiisa iyo qareenada u doodanaaya ay sheegayaan inay racfaan ka qaadanayaan xukunka waxaa ay ku tilmaameen Sharci daro.
Wariye Coldoon ayaa lagu eedeeyay in uu ku xad gudbay qarannimada Somaliland, Iyo Ardayda Dugsiga Abaarso
Somaliland ayaa horay u sheegtay in Wariyaha ay Maxkamadeyn doonto , islamarkaana ay sharciga marsiin doonto ka dib markii uu dhowr jeer u baxsaday dowlad deegaanka Soomaalida.
Wariye Coldoon ayaa laga qabtay Magaalada Burco, ka dib markii uu ka laabtay Jigjiga, waxaana ehelkiisu sheegeen in ciidanka Somaliland ay jir dil u geysteen Wariyaha.
Maaha Markii Koowad ee Maxkamadi Xukunto Wariyahan waxaana marar hore lagu soo eedeyey Isla eedamayaha Hadda loo aysto Qaar ku Dhaw.
Hay’adaha u dooda Xuquul insaanka ayaa marar badan ku eedeeyay Somaliland in ay san kajirin Xorida Hadalka ayna gaystaan tacadiyo ka dhan ah Xuquuda hadalka.
Recent Comments