Featured, Arrimaha Siyaasada
Xukuumadda Oo Ku Dhowaaqday Halka La Dhigayo Gogosha Dib u Heshiisiinta Galmudug
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa xalay kaga dhowaaqay magaalada Dhuusamareeb, in magaaladaasi la dhigayo gogosha dib u heshiisiinta Galmudug.
Wuxuu sheegay Kheyre, in magaaladaasi ay buuxisay dhammaan shuruudihii looga baahnaa, sidaasi darteedna ay u garteen in gogosha la dhigo.
“Dhuusamareeb waxay buuxisay shuruudihii loo baahnaa, sidaasi darteed waxay martigelin doontaa shirka la isugu keenayo Galmudug” ayuu yiri Kheyre.
Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in ciidanka federaalka ay si buuxda uga howlgeli doonaan magaaladaasi, islamarkaana Ahlu-sunna ay aqbashay iney hay’adaha ammaanka DFS ka shaqeeyaan Dhuusamareeb.
“Hay’adaha ammaanka waxaan farayaa in sida ugu dhaqsiyaha badan uga shaqo bilaabaan Dhuusamareeb, Ahlu-sunna waxaan uga mahadcelinayaa sidey u aqbaleen codsigeenna”
Inkastoo khilaafuu ragaadiyey Galmudug, hadane waxaan la ogeyn sida ay uga falcelin doonaan arrintan dhinacyada kale ee maamulkaasi.
Maandeeq
Muqdisho, Somalia
Recent Comments