Newsletter subscribe
August 2019

Ilhaan Cumar Oo Lagu Baaqay In Laga Saaro Kongareeska Mareykanka

Posted: August 28, 2019 at 6:42 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Xisbiga Jamhuuriga Mareykanka ee ka arrimiya Gobolka Alabama ee dalka Mareykanka ayaa meel mariyay sharci lagu doonayo in Ilhaan Cumar looga saaro aqalka Kongareeska ee dalka Mareykanka. Tommy Hanes, oo ah Xildhibaanka Gobolka Alabama ku matala Aqalka hoose ee Mareykanka aya soo jeediyay hindisahan,waxaana ansixiyay Golaha loo soo gaabiyo GOB ee Xisbiga Jamhuuriga ah. Guddiga […]

No Comments read more

Mareykanka oo beeniyay duqeyn la sheegay in uu ka geystay Soomaaliya

Posted: August 28, 2019 at 6:40 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Dowladda Mareykanka ayaa iska fogeysay Warbixinno ku saabsan weerarro 25kii ilaa 26kii Bishan August ka dhacay Soomaaliya oo la sheegay in ay ka dambeysay. War ka soo baxay Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa sheegay in wararka ay baahiyeen warbaahinta guduhu aysan ahayn kuwo xaqiiqda ku saleysan. “Waa siyaasaddeenna inaan shaacinno warbixinnada la xiriira weerarrada aanu […]

No Comments read more

DFS Oo Beenisay Iney Ka Baxday Heshiiskii Ahlu-sunna

Posted: August 28, 2019 at 6:39 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Cabdi Maxamed Sabriye oo la hadlay bulshada Dhuusamareeb ayaa shaaciyay in dowladda Soomaaliyeed aysan ka bixin qodob kamid ah heshiiskii ay la galeen Ahlu sunna. Wasiirka ayaa tilmaamay in Xukuumadda iyo Ahlu Sunna ay kala saxiixdeen 10-kii qodob oo muhiim u ah xasiloonida iyo dhismaha Galmudug, […]

No Comments read more

DFS Oo Ciidan Kale Geysay Dhuusamareeb

Posted: August 27, 2019 at 7:26 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Wararka ka imaanaya Magaaladda Dhuusamareeb ee Caasimada maamulka Galmudug ayaa sheegay in saaka halkaasi gaareen ugu yaraan 3 diyaaradood oo wada Ciidan iyo gaadiid dagaal oo saaka laga qaaday Magaaladda Muqdisho. Wariyayaash ku sugan Magaaladda Dhuusamareeb ayaa soo sheegaya in Garoonka diyaaradaha ee magaalada Dhuusamareeb ay saakay laga dajiyay diyaarado sida hub badan iyo ciidamo […]

No Comments read more

Uganda: Ciidanka Loo Tababaro Somalia Waxay Ku Biiraan Al-shabaab

Posted: August 27, 2019 at 7:24 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Dowladda Uganda ayaa ka digtay in Ciidamada AMISOM laga saaro Soomaaliya iyada oo sheegtay in guulaha AMISOM ay fashil ku dhaman karaan. Wasiiru dowlaha Wasaaradda arrimaha dibadda Dalka Uganda, Henry Okello Oryem, ayaa sheegay in Qraamada Midoobey iyo Beesha Caalamka ay doonayaan dhimista Ciidamada iyaga oo ka fiirinaya qarashka ka baxa. Waxaa uu ka digay […]

No Comments read more

Sideed Madaxweynayaal hore oo ka qeybgelaya Madasha Koofi Anaan

Posted: August 27, 2019 at 7:23 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Madasha Nabadda iyo Amaanka ee Koofi Anaan ayaa ku dhawaaqday sideed Madaxweyne oo sanadkan ka qeybgeleya shirka sanad laha ah ee ay qabato hay’addaasi. Shirka oo ka dhacaya caasimadda Dalka Ghana ee Accra ayaa waxaa ka qeybgelaya sideed ka mid ah madaxweynayaasha Afrika soo maray ee hadda nool. Soomaaliya waxaa uga qeybgelaya Madaxweynihii hore ee […]

No Comments read more

Booliiska Oo Xiray Sarkaal Ka Tirsan Gobolka Banaadir

Posted: August 27, 2019 at 7:20 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Ciidamada Booliska ah ee Magaalada Muqdisho ayaa xabsiga dhigay Agaasime ku xigeen ka tirsanaa Maamulka Gobolka Banaadir. Agaasime ku xigeenka xilliga la xirayay waxaa uu shir kula jiray Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir waxaana uu ka mid ahaa guddiga qaban qaabada xil wareejinta Maamulka Gobolka Banaadir. Ciidamo ka socda Booliska Gobolka Banaadir ayaa agaasimaha kala […]

No Comments read more

Sarkaal Ka Tirsanaa Al-shabaab Oo Lagu Qabtay Muqdisho

Posted: August 27, 2019 at 7:15 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Ciidamada amaanka dowladda SOomaaliya ayaa howlgal ay ka sameeyeen Magaalada Muqdisho waxaa ay gacanta ku dhigeen sarkaal ka tirsan Al-shabaab. Howlgalka oo laga fuliyay xalay xaafadda Carafaad ee Degmada Yaaqshiid ayaa lagu sheegay in lagu qabtay sarkaal ka tirsan qeybta Amniyaadka ee AL-shabaab kaas oo aan magaciisa la sheegin. Ciidamada ayaa howlgalka ka fuliyay guriga […]

No Comments read more

Kenya Oo Dhiiran Iyo Soomaaliya Oo Is Dhigatay, Dacwadda Badda

Posted: August 26, 2019 at 11:05 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada, Warbiximaha Gaarka Ah

Waxaa soo dhow go’aanka maxkamadda cadaaladda ee ku aaddan muran badeedka Soomaaliya iyo Kenya, iyadoo xilli walbo natiijada soo baxda ay noqon doonto danaha mid ka mid ah dalalka is haya. Dowladda Kenya ayaa hadda waxa ay waddaa dedaallo aad u badan oo ay ku dooneyso iney ku mulkiso badda Soomaaliya, balse ay iyadu sheegatay. […]

No Comments read more

Guddiga doorashooyinka Puntland oo gudoon cusub doortay

Posted: August 26, 2019 at 6:41 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Guddiga kumeel gaarka ah ee doorashooyinka Puntland ayaa magaalada Garoowe ku doortay guddoomiye, guddoomiye ku-xigeen iyo afhayeen cusub oo kala hagi doona Guddiga Doorashooyinka Puntland. Guddiga Doorashooyinka Kumeel gaarka ah Gudoomiye u doortay Guuleed Saalax Barre oo horay wasiir uga soo noqday Puntland. Guddiga ayaa sidoo kale Gudoomiye ku Xigeen u doortay Jaamac Xirsi oo […]

No Comments read more

Digniin Laga Bixiyey Dagaal Ka Dhaca Kismaayo

Posted: August 26, 2019 at 6:24 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Sheekh Maxamed Ibraahim Shakuul; oo kamid ahaa Musarxiintii u tartamayay xilka  Madaxwaynaha Jubaland ayaa ka digay gacan qaad dhexmara xubnaha sheegayana in madaxweynaha Jubbaland. Waxa uu sheegay in uu isku howlayo xal u raadinta arrintaan, maadaama marka uu uu qiimeeyay aan la wanaagsaneen waxa ka socda Kismaayo. Sheekh Shakuul oo kamid ahaa shaqsiyaadka haysta dhalashada […]

No Comments read more

Dagaal Ka Dhacay Buulo-burde, Hiiraan

Posted: August 26, 2019 at 6:20 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Dhaq dhaqaaqa Al-shabaab ayaa waxaa ay xalay weerar ku qaadeen Degmada Buulo Barte ee Gobolka Hiiraan. Al-shabaab ayaa weeraray saldhig Ciidanka Jabuuti ay ku leeyihiin halkaas waxaa kale oo ay weerareen Saldhig Ciidamada dowladda Soomaaliya ku leeyihiin Magaalada. Guddoomiye ku xigeenka Maamulka Degmada Buulo Barte Cismaan Geeddi ayaa sheegay in weerarka Al-shabaab uusan wax khasaare […]

No Comments read more