Newsletter subscribe

Featured, Arrimaha Siyaasada, Warbiximaha Gaarka Ah

Kenya Oo Dhiiran Iyo Soomaaliya Oo Is Dhigatay, Dacwadda Badda

Posted: August 26, 2019 at 11:05 am   /   by   /   comments (0)

Waxaa soo dhow go’aanka maxkamadda cadaaladda ee ku aaddan muran badeedka Soomaaliya iyo Kenya, iyadoo xilli walbo natiijada soo baxda ay noqon doonto danaha mid ka mid ah dalalka is haya.

Dowladda Kenya ayaa hadda waxa ay waddaa dedaallo aad u badan oo ay ku dooneyso iney ku mulkiso badda Soomaaliya, balse ay iyadu sheegatay.

Markii ay soo bilaabatay dacwaddan, waxay Kenya sameysay qorshe walbo oo ay mooddey in Soomaaliya ay kaga guuleysan karto, iyadoo weli dedaalka aan joojin.

Waxay dowladda Kenya tagtay dalal badan oo caalamka ah, una muuqday kuwo iyada u fududeyn kara lahaanshaha badda Soomaaliya, gaar ahaan qeybta muranka ay gelisay.

Sidoo kale, waxay soo adeegsatay dowladda Itoobiya, balse Soomaaliya ayaa ka dhego fureysatay dalabkii dowladdaasi.

Waxay hadane ay aadday dhanka IGAD, balse Soomaaliya ayaa meesheedii sii joogtay oo u sheegtay ku qanacsanaanta ICJ.

Sidoo kale, Kenya ayaa kiiskan u geysay Midowga Africa si arrinta qaab hoose loogu xalliyo, balse DFS ayaa sidii hore oo kale ka biyo diidday.

Arrinta is weydiinta mudan ayaa waxay tahay, maxaa dowladda Soomaaliya weli ka hortaagan in ay iyaduna bixiso dedaallada la midka ah kuwa Kenya?

Aqoonyahan C/raxmaan C/laahi Dhubad oo ku takhsusay maamulka iyo maareynta hay’adaha dowliga ah ayaa u sheegay Shabakadda Maandeeq, in dowladda ay ku socoto waddo dayacaad ku keeni kara badda haddii aanay la imaan isbedallo muuqda.

“Dowladda waxaa laga doonayaa iney iyaduna albaab walbo garaacdo, isku daydo iney hesho taageero dheeraad ah, waa sax annaga ayaa badda leh laakiinse micnaheedu ma ahan in aan is dhigaanno” ayuu yiri Aqoonyahan C/raxmaan.

Dhanka kale, xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo isna aynu wax ka weydiinnay arrintan ayaa qaba aragtidan.

“Kolley wey iska caddahay in badda annaga aan leenahay, Kenya waxa ay la ordeyso waa boobka ay waddo iney ku hesho cid ku garabsiisa, hase ahaatee waxay weysay cid garab siisa”

Lama oga sida uu xaalka ku dambeyn doono, inkastoo shacabka Soomaaliyeed ay aaminsan yihiin ineysan Kenya ku guuleysan doonin dacwadda ICJ.