Laba Madaxweyne Oo Lagu Doortay Kismaayo
Xildhibaannada Maamulka Jubaland ee taabacsan garabka Axmed Madoobe ayaa madaxweyne u doortay Axmed Maxamed Islaamka halka kuwa isbeddel doonka la baxay ay Madaxweyne u doorteen C/Rashiid Maxamed Xiddig oo ka mid ahaa Golaha shacabka Soomaaliya. Magaalada Kismaayo ayaa marti gelisay Doorasho iska soo horjeedda waxaana codeyn ka dhacday Magaaladaas gaar ahaanna xarunta doorashada Jubaland Axmed […]
Doorasho Ka Socota Degmada Warsheekh
Degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha dhexe waxaa maanta ka dhaceysa doorashada Guddoomiyaha Degmadaas. Inta badan Guddoomiyayaasha Degmooyinka iyo Gobollada Soomaaliya ayaa ku iman jiray magacaabista Dowladda Federaalka ah ama dowlad Goboleedka halkaas ka taliya. Degmada Warsheekh ayaa dhawaan yeelatay Gole degaan markii 105 xubnood oo ka mid ah Bulshada degmada ay doorteen Gole degaan oo […]
Jabuuti Oo u Tartamaysa Kursi La Siiyay Kenya
Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in aysan wali isdhiibin inkasta oo natiijo shalay ay shacaiyeen Midowga Afrika kursigaasi ku siiyeen dowladda Kenya. Jabuuti waxaa ay sheegtay in kursigaas uu si sax ah ugu guuleysan karo ciddii 3 meelood laba meel ka hesha Xubnaha Golaha guud ee Qaramada Midoobey oo tiradoodu dhantahay 193 dal. Wakiilka joogtada ah […]
Odayaal cafis ka helay Al-shabaab oo ku xayiran duleedka Baladxaawo
Odayaal dhaqameed ku sugan duleedka Magaalada Balad Xaawo ayaa sheegay in loo diiday in ay Magaalada galaan kaddib markii ay la soo kulmeen Al-shabaab. Maamulka Magaalada Baladxaawo ayaa Odayaasha u diiday in ay ku soo laabtaan Magaaladaas kaddib markii ay la soo kulmeen Al-shabaab. Odayaasha ayaa hadda ku xayiran duleedka Magaalada Baladxaawo, gaar ahaanna degaan […]
Mooshin Laga Diyaariyey Dowladda Kenya
Qaar ka mid ah XIldhibaannada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa diyaariyay mooshin Ciidanka Kenya dalka looga saarayo. Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa iyo XIldhibaan Cabdi Shire Jaamac ayaa waxaa ay sheegeen in XIldhibaannada ay dhameystireen Mooshin ka dhan ah dowladda Kenya. Xildhibaannada ayaa sheegay in Mooshinkaas golaha shacabka la horgeynayo Golaha shacabka marka uu fadhiga Baarlamaanka Bisha […]
Laftagareen Oo Liiday Ciidanka Xoogga Dalka
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya C/Caziiz Xasan Maxamed ayaa waxaa uu canaan kala dul dhacay Milatariga Soomaaliya ee ka howlgala degaannada Maamulkaas. Lafta Gareen ayaa sheegay in Ciidanka Milatariga ee Koogur Galbeed jooga ay Fadhiid yihiin, islamarkaana dooneyn howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab. Madaxweyne Lafta Gareen ayaa sheegay in Milatariga jooga degaannada Koofur Galbeed […]
Mareykanka oo Fiiso u diiday Gabadha saaxiibka la ah Ra’isalwasaaraha UK oo timid Somaliya
Dowladda Mareykanka ayaa fiisaha u diidday Gabadha saaxiibka la ah Ra’isalwasaaraha Dalka Uk Boris Johnson. Waaxda socdaalka Mareykanka ayaa soo diiday codsi fiiso oo ay dirsatay Carrie Symonds, waxaana sababta lagu sheegay in sanad ka hor ay booqasho ku timid Soomaaliya. Haweeneydan ayaa dooneysay in ay Mareykanka u tagto hay’ad ka shaqeysa arrimaha degaanka oo […]
Axmed Madoobe Oo La Kulmay Xildhibaannada Jubbaland
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa waxaa uu kulan la qaatay XIldhibaannada cusub ee Baarlamaanka Maamulka Jubaland. Kulan Casho sharaf ahaa oo uu Xildhibaannada u sameeyay ayaa waxaa uu Xildhibaannada ku weydiistay in ay codkooda siiyaan doorashada Madaxtinimada Maamulkaas ee maalinta barri ah dhaceysa. Xildhibaannada Baarlamaanka Jubaland ayaa intooda badan u ballanqaaday in […]
Bandow La Geliyey Kismaayo
Guddiga amniga Dowlad Goboleedka Jubbaland oo kulan yeeeshay ayaa ka dooday sugidda amniga Magaalada Kismaayo inta lagu guda jiro waqtiga Doorashada. Waxa ay joojiyeen safaradii Magaalada lagu galayay, iyaga oo sheegay in ay Magaalada ka xireen Socdaalka Cirka, Dhulka iyo Badda. Sidoo kale waxa ay yareeyeen dhaq-dhaqaaqa Dadka ku sugan Magaalada Kismaayo laga bilaabo Caawa […]
Duqeyn Ka Dhacday Shabellaha Hoose
Dowladda Mareykanka ayaa sheegatay in ay saaka weerar ka geysatay Degaanka Kuunya Barroow ee Gobolka Shabeellaha hoose. Qoraal ka soo baxay Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa lagu sheegay in duqeyntaas lagu dilay mid ka mid ah Al-shabaab. Duqeynta ayaa lagu sheegay in lagu garab siinayay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya,waxaana intaas lagu daray in aysan […]
Taliyeyaasha Ciidamada Kenya iyo Itoobiya ee Soomaaliya oo isku dhacay
Shalay ayey ahayd markii diyaarad ay leedahay Itoobiya ay Ciidamada Kenya ee jooga Kismaayo u diideen in ay ka degto garoonka diyaaradaha ee magaaladaas. Inkasta oo Kenya iyo Itoobiya ay yihiin dalal xulafo ah haddana waxaa hadda taagan khilaaf u dhaxeeya labada dal gaar ahaanna halka ay ka kala taaganyihiin siyaasadda Soomaaliya. Dowladda Kenya ayaa […]
Daacishta Soomaaliya Oo u Wareegeysa Itoobiya
Ururka Daacish qeybtiisa ka dagaallanta Soomaaliya ayaa sheegay in ay daneynayaan in ay u wareegaan dhinaca dalka Itoobiya halkaas oo ay ka jirto deganaansho la’aan ka dhalatay qowmiyadaha isdiiddan ee dalka Itoobiya. Muuqaal uu baahiyay Ururka islamarkaana la daawan karo muddo saddex daqiiqo ah kuna baxayay afka Amxaariga ayey baahisay Daacishta Soomaaliya. Daacish ayaa muuqaalka […]
Recent Comments