Newsletter subscribe
September 2019

Addis Ababa: Shirka Ka Faa’ideysiga Kheyraadka Dalka Oo Lagu Soo Gabagabeeyey

Posted: September 28, 2019 at 8:11 am   /   Uncategorized

Sida uu sheegay Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Batroolka Iyo Macdanta XFS Maxamud Cabdiqadir Hilaal shirka kafaa’iideysiga kheyraadka Soomaaliya oo muddo 4 maalin ah kasocday magaalada AdisAbaba ee dalka Itoobiya ayaa la soo gebagebeeyey, shirka waxaa kaqaygalay xubno kascoday Guddiyada Kheyraadka Baarlamaanka Federalka Soomaaliya, Wasaaraddaha Dowlad Goboleedyada iyo Khuburo sida la sheegay kascotay Waddanka Norway. Shirka oo qorshuhu […]

No Comments read more

“Gobolladii nagu taageeray Qaaraan Qaran waan booqan doonaa”

Posted: September 28, 2019 at 8:08 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa sheegay in uu booqasho ku tagayo dalka Mareykanka gaar ahaanna Gobollo muhiim u ah. Madaxweynaha oo la hadlayay jaaliyaddii ka qeybgashay furitaanka safaaradda Soomaaliya ee Mareykanka ayaa sheegay in hadda uu dib ugu soo laabanayo dalka hayeeshee uu sida ugu dhaqsiyaha badan ugu laabanayo dalka […]

No Comments read more

Madaxweyne Farmaajo oo xarigga ka jaray Safaaradda Soomaaliya ee Washington

Posted: September 28, 2019 at 8:06 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay weheliyaan Wasiirrada Arrimaha Dibadda, Maaliyadda iyo diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee ka hawlgala dalka Maraykanka ayaa xarigga ka jaray dhismaha cusub ee Safaaradda dalkeenna ee Washington. Madaxweynaha ayaa sheegay in hirgelinta dhismahan oo noqonaya dhismihii Safaaradeed oo ugu horreeyey ee Dowladda Soomaaliyeed ay ku yeelato dalka Maraykanka […]

No Comments read more

Mareykanka oo cunaqabeyn ku soo rogay Shaqsiyaad Soomaali ah

Posted: September 28, 2019 at 8:04 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Wasaaradda Maaliyadda Dalka Mareykanka ayaa waxaa ay cunaqabateyn saartay Shaqsiyaad Soomaali Kenyaan ah oo lala xiriiriyay in ay xiriir la leeyihiin Argagixisada. Shaqsiyaadkan oo isugu jira Ganacsato iyo Culimo ayaa waxaa ka mid ah  Sheikh Hassaan Hussein Adam (Hussein), Sheikh Hassaan (Omar), Mr Hassan Mahad (Omar) iyo  Mr Hassan Mahad. Waxaa kale oo Wasaaradda Maaliyadda […]

No Comments read more

Shacab Lagu Laayay Gobolka Hiiraan

Posted: September 26, 2019 at 7:44 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Wararka ka imaanaya degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in maleeshiyaad hubeysani ay dad shacab ah ku laayeen duleedka degmadaasi. Maleeshiyaadkan ayaa la sheegayaa iney rasaas ku fureen dad badan oo ku sugnaa ceel-biyood dhowaan halkaasi laga dhisay. Ugu yaraan Shan qof ayaa halkaasi ku dhimatay, iyadoo dhaawucuna intaa ka badan yahay, sidey […]

No Comments read more

Ciidamada Jubbaland Iyo Kuwa Al-shabaab Oo Dagaallamay

Posted: September 26, 2019 at 7:40 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Dagaal ayaa ciidanka Jubbaland iyo kuwa Al-shabaab wuxuu xalay ku dhexmaray deegaanka Cabadalla Biroole oo duleedka magaalada Kismaayo ee Jubbada Hoose ah. Al-shabaab ayaa weerar kusoo qaaday fariisin ay ciidanka Jubbaland ku lahaayeen deegaankaasi, waxaana ka dhashay dagaalkan khasaare kala duwan. Afar qof ayaa la xaqiijiyey in dagaalkan ku dhinteen, iyadoo dhaawucuna intaasi ka badan […]

No Comments read more

Madaxweyne Farmaajo Oo Khudbad Ka Jeediyey Fadhi Gaar Ah Oo Looga Hadlay Xaaladda Dalka

Posted: September 26, 2019 at 7:35 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyey fadhi gaar ah oo ku saabsan arrimaha Soomaaliya ayaa soo bandhigay dadaallada Dowladda ee kobcinta dhaqaalaha, dib u habaynta laamaha ammaanka, guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah argagixisada, dib u eegsita dastuurka iyo hirgelinta doorashooyinka. Madaxweynaha ayaa ka warbixiyey tallaabooyinka ay qaadday […]

No Comments read more

Kenya Oo War Kasoo Saartay Kulankii Farmaajo Iyo Uhuru

Posted: September 26, 2019 at 7:33 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Madaxtooyada Dalka Kenya ayaa daabacday war ay ka diyaariyeen kulan Magaalada New York ku dhexmaray Madaxweynayaasha Kenya iyo Soomaaliya. Warka ka soo baxay Madaxtooyada Dalka Kenya ayaa lagu sheegay in inta uu socdo shirka Golaha guud ee Qaramada Midoobey ay kulan doceed yeesheen madaxweynayaasha Soomaaliya,Kenya, Jabuuti iyo Masar. Kulankaas ayaa madaxda waxaa ay iskula soo […]

No Comments read more

UK Oo Muwaadiniinta Uga Digtay u Safarka Soomaaliya

Posted: September 26, 2019 at 7:29 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Dowladda Ingiriiska ayaa soo saartay digniin dhinaca amaanka ah oo ay u dirtay dadkeeda daneynaya in ay u safraan Soomaaliya. Xafiiska arrimaha dibadda UK ayaa sheegay in Soomaaliya ay wali qatartahay islamarkaana afduubka iyo qaraxyada ay suuragal ka tahay gudaha Soomaaliya. Muwaaddiniinta UK ee aan muhiimka u ahayn safarka Soomaaliya ayaa la sheegay  isaga baxaan […]

No Comments read more

DFS Iyo Qatar Oo Xoojinaya Xiriirkooda

Posted: September 25, 2019 at 7:49 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Wasiirrada Shaqaalaha dalalka Qadar iyo Soomaaliya ayaa ku kulmay Magaalada Dooxa ee Caasimadda dalka Qadar. Kulanka ayaa looga wadahadlay xiriirka labada dal gaar ahaanna dhinasha shaqaalaha iyo arrimaha Bulshada labada dal. Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Dalka Qadar Yousef bin Mohamed al-Othman Fakhroo  ayaa Magaalada Dooxa ku qaabilay wafdiga Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Soomaaliya […]

No Comments read more

Imaaraadka oo lagu wareejiyay Garoonka diyaaradaha Boosaaso

Posted: September 25, 2019 at 7:45 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa xaqiijisay in dowladda Imaaraadka Carabta gaar ahaan Sharikadda DPWorld dhiseyso Garoonka diyaaradaha ee magaaladaas. Wafdi ka socda dowladda Imaaraadka Carabta ayaa shalay tagay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari. Wafdigaas Imaaraadka ka socday iyo Saraakiil wasiirro u badan oo ka tirsan Puntland ayaa shir jaraa’id oo ay ku qabteen Boosaaso waxaa […]

No Comments read more

Farmaajo Iyo Uhuru Oo Kulmay

Posted: September 25, 2019 at 7:40 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Wadahadallo saddex geesood ah oo ay magaalada New York ku yeesheen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha Kenya Mudane Uhuru Kenyatta iyo Madaxweynaha Masar Mudane Cabdulfataax Al Sisi ayaa kusoo idlaaday is faham. Kulankan oo uu soo qabanqaabiyay Guddoomiyaha Midowga Afrika, ahna Madaxweynaha Masar Mudane Cabdulfataax Al Sisi ayaa la isku raacay […]

No Comments read more