Newsletter subscribe

Uncategorized

Addis Ababa: Shirka Ka Faa’ideysiga Kheyraadka Dalka Oo Lagu Soo Gabagabeeyey

Posted: September 28, 2019 at 8:11 am   /   by   /   comments (0)

Sida uu sheegay Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Batroolka Iyo Macdanta XFS Maxamud Cabdiqadir Hilaal shirka kafaa’iideysiga kheyraadka Soomaaliya oo muddo 4 maalin ah kasocday magaalada AdisAbaba ee dalka Itoobiya ayaa la soo gebagebeeyey, shirka waxaa kaqaygalay xubno kascoday Guddiyada Kheyraadka Baarlamaanka Federalka Soomaaliya, Wasaaraddaha Dowlad Goboleedyada iyo Khuburo sida la sheegay kascotay Waddanka Norway.

Shirka oo qorshuhu ahaa in uu ka dhaco magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa loo wareejiyey AdisAbaba, waxaana suuragal ah in sababtu tahay muranka ay Kenya gelisay Badda Soomaaliya.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Batroolka Iyo Macdanta XFS  ayaa qoraalkan kooban oo uu kuqoray boggiisa faceboo kuiyi: “Arimihii lagu dar-dar galinayay ka faa iidaysiga Kheyraad ka gaar ahaan #Shidaalka oo maal mahan ka socday magaalada #Addisababa ee dalka Ethiopia kana soo qayb galeen Hay’addaha u qaabilsan umuurahaas dalka Soomaaliya heerar kooda kala duwan Iyo Madax ka socotay Hay’adda Norwegian Petroleum Directorate ayaa galabta ku soo dhamaaday jawi aad u wanaagsan

Haddaba Waa maxay sababta Shirkan iyo kuwa lamidka ah ee looga hadlo arrimaha muhiimka ah oo ay martigelin kartay magaalada Muqdisho ee caasimadda ah loogu raray caasimado kale wliba iyada oo ay kaqaybgelayaan shirkado shisheeye oo kulug leh kheyraadka Soomaaliya sida shirkadaha Norway oo ay kamid tahay hay’adda Norwegian Petroleum Directorate?