Soomaali Lagu Diley Koonfur Africa
Wararka ka imanaya Dalka Koofur Afrika ayaa sheegaya in muwaaddin Soomaaliyeed uu dalkaas xalay ugu geeriyooday dhaawac ay u geysteen koox Burcad hubeysan ahayd. Siciid Xasan oo ka mid ahaa Ganacsatada Soomaaliyeed ee Koofur Afrika ayaa koox hubeysan ku weerareen dukaan uu ku lahaa duleedka Magaalada Humansdrop ee Gobolka Eastern Cape. Dhaawacii ka soo gaaray […]
Xasan Cali Kheyre oo la kulmay Madaxweyne ku xigeenka Midowga Yurub
Ra’isalwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Magaalada Brussels ee dalka Belgium-ka kula kulmay Madaxweyne ku xigeenka Ururka Midowga Yurub Federica Mogherini. Kulanka ayaa looga hadlay xariirka xooggan ee ka dhexeeya midawga Yurub iyo Soomaaliya, nabadda, amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo taageerada xoojinta dimuquraadiyadda. Federica Mogherini oo sidoo kale ah wakiilka midawga Yurub ee arrimaha dibadda […]
Dhoobo Daareeed “Wada lahaanshihii Puntland wuu dhamaaday”
Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Maamulka Puntland Cabdi Xakiin DHoobo Daareed ayaa sheegay in wada lahaanshaha dowlad Goboleedka Puntland uu dhamaaday maaddaama koox gaar ah xoog kula wareegtay Puntland. Dhoobo Daareed ayaa sheegay in Kooxda uu hoggaamiyo Siciid Cabdullahi Deni ay uga adkaadeen siyaasad ahaan hase ahaatee ay adeegsadeen lacag iyo xoog. Xildhibaannada Baarlamaanka Puntland oo […]
Farmaajo: “Waddamada deriska waxaan ula heshiiyay si aysan u soo marin D.Goboleedyada”
Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ka hadlay sababta uu xiriir wanaagsan ula yeeshay dalalka deriska la ah Soomaaliya. Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa arrintaas ku sababeeyay in haddii uusan la saaxibi lahayn dowladaha deriska ah ay danahooda ka dhex raadsan lahaayeen dowlad Goboleedyada halkaasna u soo mari lahaayeen xasilooni la’aanta Soomaaliya. […]
Mas’uuliyiin Lagu Diley Balcad, Shabellaha Dhexe
Wararka naga soo gaaraya duleedka Magaalada Balcad ee Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in halkaas xalay lagu dilay Guddoomiye iyo ku xigeenkiisa. Labada qof ee la dilay ayaa la sheegay in ay mas’uuliyiin ka ahaayeen degaanka Cadayga oo ku yaalla duleedka Degmada Balcad ee Gobolka Shabeella dhexe. Magacyada mas’uuliyiinta la dilay ayaa waxaa lagu kala […]
Diyaarad ku soo jeedday Muqdisho oo ku cilladowday hawada
Diyaarad Xamuul ah kuna soo jeedday Magaalada Muqdisho ayaa shalay cilladi ku wajahday Hawada waxaana ay si deg deg ah ugu degtay Magaalada Gaarisa. Diyaaraddan oo ka soo duushay Magaalada Nairobi kuna soo jeedday Muqdisho ayaa waxaa ay cilladi ka soo gaartay Matoorka,waxaana ay si deg deg ah u caga dhigatay Magaalada Gaarisa. Diyaaradda Xamuulka […]
Mareykanka oo ka hadlay duqeyn uu ka geystay Soomaaliya
Dowladda Mareykanka ayaa war ka soo saartay duqeyn ay ka fulisay Gobolka Jubada dhexe ee Koofurta Soomaaliya. Wra ka soo baxay Taliska Mareykanka ee Afrika ee loo yaqaan AFRICOM ayaa sheegay in duqeynta ay ka geysteen Magaalada Jilib shalay oo ay Taariikhdu ahayd 12ka Bisha. Weerarkaas ayaa lagu sheegay in lagu dilay hal qof oo […]
Digniin Laga Soo Saaray Qaraxyo Ka Dhici Kara Magaalad Muqdisho
Dowladda Ingiriiska ayaa ka digtay weerarro argagixiso oo ka dhaca Magaalada Muqdisho iyo guud ahaan Soomaaliya. Qoraal digniin ah oo uu soo saaray xafiiska arrimaha dibadda UK ayaa looga digay muwaaddiniinta u dhashay Ingiriiska in ay ka fogaadaan Magaalooyinka Soomaaliya marka laga reebo Hargesa iyo Berbera. Waxaa kale oo qoraalka lagu sheegay in ay jirto […]
Taliyaha Ciidanka Asluubta oo beeniyay in uu u gefay dadka lixaadkooda dhimanyahay
Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliya Mahad C/Raxmaan Aadan ayaa meesha ka saaray in uu gef u geystay dadka lixaadkooda dhimanyahay kaddib hadal ka soo baxay shalay. Taliyaha oo ka hadlayay goob lagu soo bandhigayay Ciidan uu qorayo Taliska Asluubta ayaa sheegtay in qof lug la’. qof Il la’ iyo qof kale oo waayeel ahba aan looga […]
Maxkamadda sare ee Mareykanka oo aqbashay xayiraadda Trump ee ka dhanka ah Muslimiinta
Maxkamadda sare ee dalka Mareykanka ayaa ogolaatay amar ka soo baxay Madaxweynaha Mareykanka kaas oo dadka ka soo jeeda Soomaaliya iyo dalal kale ka mamnuucayay in ay galaan Mareykanka. Maxkamadda sare ayaa sheegtay dib u eegis ay ku sameeysay go’aanka Trump uu dadka inta badan ka soo jeeda lix dal oo Muslimiin ah kaddib ku […]
ONLF Oo Hoggaan Cusub Doortay
Ururka ONLF ee bari la dagaallami jiray Dowladda Itoobiya ayaa doortay Hoggaamiye cusub oo uu yeelanayo. Ergooyin ku dhow 600 qof ayaa waxaa ay Magaalada Godeey uga qeybgaleen shirweynaha Ururka oo lagu qabtay Magaaladaas waxaa lagu dooranayay hoggaanka Ururka. Guddoomiyaha Ururka ONLF waxaa loo doortay C/Raxmaan Sheekh Maadeey oo ka mid ahaa aas aasayaasha Ururka […]
Madaxdii Qaranka Oo Dalka Ka Wada Maqan!
Madaxda ugu sareysay ee dowladda Soomaaliya ayaa Caawa ka wada maqan dalka, Kuwaasoo safarro kala gaar gaar ah ugu maqan wadamo dhaca qaaradaha Afrika iyo Yurub. Madaxda wadanka ka maqan ayaa kala ah Madaxweyne Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo), Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre,Gudoomiye Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan iyo Duqa Muqdisho Cumar Finish. Qofkii u danbeeyay […]
Recent Comments