Howlgal Ka Socda Degmada Afgooye Ee Shabellaha Hoose
Ciidamada dowladda FaderaalkaSoomaaliya ayaa howlgal ka sameeyay qeybo ka mid ah degmada Afgooye waxaa ay ku soo qab qabteen dad u badnaa dhalinyaro kaddib dilkii guddoomiye ku-xigeenkii Arrimaha Bulshada gobolka Shabeellaha Hoose Dadka lagu qab qabtay howlgalkan ayeey ciidamadu isugu geeyeen saldhiga Booliiska degmada oo la sheegay in lagu kala saarayay dadka la soo qab […]
Kenya iyo Uganda oo ku heshiiyay in ay wadaagaan Jasiirad ay ku muransanyihiin
Dowladaha Kenya iyo Uganda ayaa isku afgartay in ay wadaan Jasiiradda Migingo ee ay milkiyaddeeda sheegtaan labada dal. Ciidamada Uganda ayaa gacanta ku haya jasiiraddan,waxaana ay u diidi jireen Kallumeysatada Kenyaanka ah in ay u dhawaadaan. Wasiirka arrimaha dibadda Kenya Monica Juma ayaa sheegtay in dowladaha Kenya iyo Uganda ay kala saxiixdeen is afgarad ay […]
Siyaasiyiinta Soomaalida Kenya Oo Dacwad Ah
Siyaasiyiinta Soomaalida Kenya ku matala Dowladda ayaa sheegay in ay ka soo horjeedaan natiijada tirakoob dhawaan natiijadiisa la shaaciyay oo la qaaday Bishii August ee sanadkan. Adam Barre Ducaale oo ah hoggaamiyaha aqlabiyadda Baarlamaanka Dalka Kenya ayaa sheegay in siyaasiyiinta SOomaalida ah ay kulmeen iskuna raaceen in ay maxkamad u gudbiyaan natiijadaas oo ay sheegeen […]
Maxay Puntland Ka Tiri Dagaalkii Ka Dhacay Garoowe?
Taliska Booliska Dowlad Goboleedka Puntland ayaa ka hadlay is rasaaseyn xalay fiidkii ka dhacday Magaalada Garowe oo sababtay dhimashada afar qof iyo dhaawac tiro kale. Dagaalka ayaa u dhaxeeyay Ilaalada xarunta Baarlamaanka Puntland iyo Ciiidan kale oo doonayay in ay xaruntaas kala wareegaan. Taliyaha Booliska Puntland Jeneraal Muxiyaddiin Axmed Muuse ayaa sheegay in dagaalkaas uu […]
Maxkamadda Ciidanka oo xukun ku ridday 9 qof
Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukun ku ridday sagaal qof oo lagu eedeeyay in ay ka tirsanyihiin Al-shabaab. Axmed Cabduqaadir Axmed Xuseen (Khadiira), Farxaan Faarax Maxamuud Fiidow (Fiildher), Cabdiraxmaan Nuur Maxamed Jimcaale (Maanka), Saafi Ciise Aweys Arwaax, Yaasiin Maxamed Axmed Abtidoon (Ejey), CabdiShakuur Cali Maxamuud (Shakra), Farxaan Aadan Yuusuf Wehliye […]
Wabiga Shabelle Oo Ku Fatahay Deegaanno Hor Leh
Wabiga Shabeelle ayaa saacadihii la soo dhaafay Fatahaad ka sameeyay tuulooyin hoostaga Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha dhexe. Fatahaadda ayaa saameysay dhul beereed gaara ilaa 12,000 oo Hectar,waxaana sidoo kale barakac ku dhow dadka beerahaasi lahaa. Tuulooyinka ay saameeysay fatahaadda waxaa ka mid ah Xawadleey, jameeco misro ,Farbarako, Muku Dhere, Raqayle iyo Daymosame oo dhamaantood […]
Shil Ka Dhacay Wadada Isku Xirta Boosaaso Iyo Gaalkacyo
Ugu yaraan hal qof ayaa la xaqiijiyay in uu ku dhintay halka afar kale ay ku dhaawacmeen kaddib markii Gaari marayay waddada isku xirta Magaalooyinka Gaalkacyo iyo Boosaaso ee Gobollada Mudug iyo Bari uu god ku dhacay. Taliska qeybta Booliska Gobolka Bari ayaa waxaa ay sheegeen in Gaarigaasi uu ku dhacay God weyn oo ka […]
DFS Oo Qorshe Cusub Ka Leh Ciidanka Danab
Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa wadda qorshe Ciidamada DANAB ee uu tababaray Mareykanka loogu darayo Ciidamada xoogga dalka. Warar kala duwan oo laga helay ilo ka mid ah hay’adaha amaanka iyo xukuumadda Xasan Cali Kheyre ayaa sheegaya in Ciidamada DANAB laga dhigayo qeyb ka mid ah Xoogga dalka Soomaaliyeed. Ciidamadan ayaa loo magacaabay Taliye […]
Maraykanka Oo Digniin Adag u Diray Kenya
Wargeyska Washington Post ee ka soo baxa dalka Mareykanka ayaa daabacay warbixin dheer oo uu uga hadlayo howlgallada ka dhanka ah AL-shabaab ee ay Ciidamada Kenya ka wadaan Koofurta Soomaaliya iyo Gobolka Soomaalida ee ay maamusho Kenya. Warbixinno laga dhegeystay dadka degaanka, xubnaha Baarlamaanka Gobolka Soomaalida ee Kenya iyo marqaatiyayaal la wareystay ayaa xaqiijiyay in […]
Daacishta Soomaaliya Oo War Cusub Soo Saartay
Ururka Daacish faraciisa Soomaaliya ayaa war ka soo saaray geerida Hoggaamiyihii Ururkaas Abuu Bakar Al Baqdaadi oo todobaadkii hore lagu dilay Dalka Syria. Sawir la geliyay barta Telegramka ee Ururka Daacish ayaa lagu sheegay in kooxda daacish faraceeda Soomaaliya ay u hoggaansantahay hoggaamiyaha cusub ee kooxda oo lagu magacaabo Al Qureyshi. Warka ka soo baxay […]
Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Oo Xukun Riddey
Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xukun Xabsi ah ku ridday 3 qof oo lagu soo eedeeyay in ay ka tirsanaayeen Al-shabaab islamarkaana qaabilsanaayeen Miino aasidda. Cabdikariim Maxamed Maxamuud Xuseen (Siiseey), CabdiQani Cali Maxamuud Cali (Buneyste) Cali Muxudiin Abshir (Cali Kuulow) ayaa loo heystaa kamid ahaanshiyaha Alshabaab iyo in ay si gaar […]
Taliyaha howlgallada gaarka ah ee Mareykanka oo la kulmay Ra’isalwasaare Kheyre
Taliyaha howlgallada gaarka ah ee Mareykanka Richard Clark ayaa magaaalada Muqdisho kula kulmay Ra’isalwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre. Kulanka ayaa qoraal kooban oo uu ka sameeyay Xafiiska Ra’isalwasaaraha Soomaaliya lagu sheegay in looga wada hadlay dagaalka ka dhanka ah AL-shabaab. “Sidii AL-shabaab looga saari lahaa dhulalka ay ka maamulaan Soomaaliya, Mareykankuna waa uu nagu […]
Recent Comments