Newsletter subscribe

Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada, Warbiximaha Gaarka Ah

DFS Oo Qorshe Cusub Ka Leh Ciidanka Danab

Posted: November 4, 2019 at 8:14 am   /   by   /   comments (0)

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa wadda qorshe Ciidamada DANAB ee uu tababaray Mareykanka loogu darayo Ciidamada xoogga dalka.

Warar kala duwan oo laga helay ilo ka mid ah hay’adaha amaanka iyo xukuumadda Xasan Cali Kheyre ayaa sheegaya in Ciidamada DANAB laga dhigayo qeyb ka mid ah Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Ciidamadan ayaa loo magacaabay Taliye cusub waxaana laga dhigayaa guutada 16aad ee Ciidamada xoogga dalka iyaga oo Kumaandoos ah.

Taliyaha cusub ee Qeybta 16aad ee Ciidanka Xoogga dalka ee DANAB ayaa waxaa loo magacaabay sarkaal Magaciisa lagu sheegay Ismaaciil Cabdi Maalik Macalin.

Ciidamadan ayaa sameynta guutada 16aad kaddib waxaa ay toos u hoostagi doonaan Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Odawaa Yuusuf Raage oo laftiisa dhawaan loo magacaabay xilkaas.

Isbeddelka lagu sameeyay Ciidanka DANAB ee Soomaaliya looguna daray xoogga dalka ayaa lagu sheegay in ay qeyb ka tahay dib u habeynta Ciidamada Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa isu diyaarineysa in Ciidamada AMISOM ay kala wareegto amaanka dalka marka la gaaro sanadka 2021 ee ay Ciidamada AMISOM baxayaan.

Warbaahinta reer Galbeedka ayaa dhawaan qoray in dowladda Soomaaliya ay taageero ciidan weydiisatay dalalka Turkiha iyo Eritrea kuwaas oo ciidamadooda ay beddelayaan AMISOM.

Qorshaha ka bixitaanka Ciidanka AMISOM ee Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ah in ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya la gaarsiiyo 30,000 oo Askari oo qalabeysan, hayeeshee ilaa hadda waxaa la hayaa 10,000 oo Askari oo kali ah taas oo adkeyn karta in qorsha  bixitaanka AMISOM uu sida loo dejiyay u dhoco.